Fasalka kowaad • Cutubka tobnaad
Bisadda yari waxa ay raadinaysaa hooyadeed.
– Adigu ma tahay hooyaday?
– Maya, bisadda yaray.
Anigu waxa aan ahay hal.
Ma ahi hooyadaa.
– Adigu ma tahay hooyaday?
– Maya, bisadda yaray.
Anigu waxa aan ahay maroodi.
Ma ahi hooyadaa.
– Adigu ma tahay hooyaday?
– Maya, bisadda yaray.
Anigu waxa aan ahay haramcad.
Ma ahi hoyadaa.
– Adigu ma tahay hooyaday?
– Maya, bisadda yaray.
Anigu waxa aan ahay mas.
Ma ahi hooyadaa.
– Adigu ma tahay hooyaday?
– Haa, bisadda yaray.
Anigu waxa aan ahay bisad.
Waxa aan ahay hooyadaa.
***