Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 1aad • Cutubka 7aad

Fasalka kowaad • Cutubka toddobaad


Maxaa ay sameynaysaa Faadumo?




Maxaa ay sameynaysaa Faadumo?
= Maxay sameynaysaa Faadumo?

Faadumo waa ay kacaysaa.
= Faadumo way kacaysaa.

Maxaa ay sameysaa Faadumo subax waliba?
= Maxay sameysaa Faadumo subax waliba?

Subax waliba iyadu waa ay kacdaa.
= Subax waliba iyadu way kacdaa.

***



Xasan waa uu kacayaa.
= Xasan wuu kacayaa.

Subax waliba isagu wuu kacaa.

***



Faadumo waa ay weyseysanaysaa.
= Faadumo way weyseysanaysaa.

Subax waliba iyadu way weyseysataa.

***



Xasan waa uu weyseysanayaa.
= Xasan wuu weyseysanayaa.

Subax waliba isagu wuu weyseystaa.

***

Xasan waa uu tukanayaa.
= Xasan wuu tukanayaa.

Subax waliba isagu wuu tukadaa.

***

Faadumo waa ay tukanaysaa.
= Faadumo way tukanaysaa.

Subax waliba iyadu way tukataa.

***

Faadumo waxa ay aadaysaa dugsiga.
= Faadumo waxay aadaysaa dugsiga.

Subax waliba iyadu waxay aaddaa dugsiga.

***

Xasan waxa uu aadayaa dugsiga.
= Xasan wuxuu aadayaa dugsiga.

Subax waliba isagu wuxuu aadaa dugsiga.

***

Isagu waxa uu u socdaa dugsiga.



Iyadu waxa ay u socotaa dugsiga.

Isagu waa uu weyseysanayaa.



Iyadu waa ay weyseysanaysaa.

***

Akhri sheekada.

Maxaa ay sameysaa Faadumo subax waliba?



Subax waliba Faadumo waxa ay kacdaa aroorta hore.



Ugu horreyntii waa ay weyseysataa.



Dabadeed waa ay tukataa.



Markii ay cabbaar joogto waa ay quraacataa.



Dabadeed waxa ay gashataa dharkeeda dugsiga.



Ugu dambeyntii waxa ay aaddaa dugsiga.

***

Maxaa uu sameeyaa Xasan subax waliba?





Waa uu kacaa.



Waa uu weyso qaataa.



Waa uu tukadaa.



Waxa uu aadaa dugsiga.

***

Maxaa aad sameysaa subixii?

***



Substantiv
subax -a morgon -en

Cutubka 8aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.