Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 1aad • Cutubka 8aad

Fasalka kowaad • Cutubka siddeedaad


Fasalka




Kani waa fasalka Faadumo, Caasho iyo Xasan.
Iyaga sawirka ma ka arki kartaa?
Maxaa ay sameynayaan?

***


Akhri weerahan.



Xasan waxa uu sawirayaa guri.



Faarax waxa uu qorayaa magaciis.



Xaalimo waxa ay salaamaysaa hooyadeed.



Caasho waxa ay tirinaysaa ulo.

***

Dugsiga



Faadumo iyo Caasho waxa ay u socdaan dugsiga.



Tani waa macallimaddooda.



Maxaa ay sameynaysaa Faadumo?
Waxa ay tirinaysaa ulo.



Maxaa uu sameynayaa Xasan?
Waxa uu qorayaa sheeko.



Tani waa macallimaddooda.
Waxa ay sawiraysaa rati.



Maxaa ay sameynaysaa macallimaddu?
Waxa ay akhrinaysaa sheeko.

***


Tiri.

1 • kow
2 • laba
3 • saddex
4 • afar
5 • shan
6 • lix
7 • toddoba
8 • siddeed
9 • sagaal
10 • toban

***

Akhri oo ka jawaab.

1. Macallinkaaga magaciis?

Akhri oo sawir.

1. Sawir qalin-qori ku dhex jira gasac yar.
2. Sawir buug kursi kor saaran.
3. Sawir kursi iyo miis isku dheggan.
4. Sawir qalin-qori buug kor saaran.
5. Sawir macallin sabuurad ag taagan.
6. Sawir laba geed.
7. Sawir afar calan.
8. Sawir saddex kursi.

***

Erayo cuscusub



Substantiv
kursi -ga stol -en

Cutubka 9aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.