Casharka shan iyo afartanaad
Calanku wuu qurux badan yahay. Midabkiisu waa buluuki. Waa midabka cirka. Xiddig cad buu dhexda ku leeyahay. Xiddigtu shan gees bay leedahay. Gees waliba waa dhul Soomaaliyeed. Calanka waannu jecelnahay.