Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 1aad • 61

Casharka kow iyo lixdanaad


DIIG IYO DAWACO


Gabbalkii baa dhacay.
Diiggii waxa uu fuulay geedkii.
Eygii geedkii buu hoos seexday.
Waagii baa beryey.
Diiggii baa ciyey, ku ku, kuu.
Dawacaa maqashay, way soo oroday, oroday, oroday, waxa ay ag timid geedkii.
Dawacadu ma ay arag eyga.
Diiggii bay ku tiri, "Waar soo deg aan tukanee ."
Diiggii baa ugu jawaabey, "Horta imaamka geedka hoos jiifa toosi."
Dawacadii ayaa aragtay eygii.
Dawacadii baa cararatay, Jararaf Jararaf Jararaf Jararaf Jararaf Jararaf.
Diiggii baa ku qoslay dawacadii, Ha Ha, Ha! Ha!.

Laylis :
1. Diiggu halkee buu joogey markii ay dawacadu u timid?
2. Eygu halkuu seexday?
3. Diiggu muxuu ugu jawaabay dawacada?
4. Imaamku waa maxay?
5. Muxuu diiggu uga jeeday markii uu ku yiri dawacada horta imaamka toosi?
6. Diiggu muxuu ku qoslay?
7. Sheekada ma jeceshahay? Waayo?
8. Ma maqashay sheeko kale oo ku saabsan diig ama dawaco? Ka sheekee.

Till lektion 62


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.