Casharka laba iyo lixdanaad
1. Ardaydii dugsigii bay ka soo baxday. Axmed gurigii ma uu aadin.
2. Magaalada bannaankeeda ayuu u baxay. Nin ari la jooga buu arkay. Ninku geed buu hoos hurday.
3. Axmed wan buu arigii ka soo qabsaday. Biro iyo daasado ayuu dabada ugu xiray.
4. Daasadii iyo birihii ayaa sanqaray: Qalum, Qalum, Qalum. Wankii ayaa baqay oo cararay. Arigiina wuu diday.
5. Ninkii ariga lahaabaa toosay. Ul dheer buu soo qaatay. Axmedna wuu arkay markaasuu cararay.
6. Axmed wuu kufay. Dakhar baa madaxa ka gaaray.
7. Maalintii dambe ,Axmed dugsiguu yimid isaga oo madaxa ka duuban. Macallinkii ayaa ardaydii uga sheekeeyey waxa uu Axmed sameeyey shalay.
8. Ardaydii baa ku qososhay. Axmed gooni buu isu taagay isaga oo ka xun wixii uu falay iyo dhibaatada ka soo gaartay.