Axmed iyo saaxiibkii waxay haystaan xarig.
Geedka ayay ku xireen.
Axmed wuu leexaysanayaa.
Saaxiibkii baa ku lulaya.
Xariggu ma adka.
Wuu kala go'ay.
Axmed wuu soo dhacay.
Saaxiibkiina wuu naxay.
Axmed wuu xanuunsaday.
Lugta ayuu ka dhaawacmay.
Wuu dhutinayaa.
Saaxiibkii baa taageeraya.
***