Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Buugga 2aad • Cutubka 17aad

Buugga labaad • Cutubka toddoba iyo tobnaad




Maroodiga iyo Diinku waa saaxiib.
Way isla hadlayaan.
Dinkii wuxuu yiri,
"Maroodi, waan kaa dul boodi karaa."
Maroodigii wuxuu yiri,
"Igama dul boodi kartid.
Anigu waan weynahay, adiguna waad yar tahay."
Diinkii wuxuu yiri,
"Haa, waan karaa. Waa inoo berri, Maroodi."



Diinkii wuxuu yimid gurigiisa.
Wuxuu ku yiri xaaskiisa,
"Berri waxan ka dul boodayaa Maroodi."
Waxay ku tiri,
"Ma kartid."
Wuxuu yiri,
"Waan siraynaa."
"Haa, waa yahay, waan siraynaa,"
ayay tiri.



Waa subax.
Diinka iyo xaaskiisu waxay tageen guriga Maroodiga.
Xaaskii Diinku way is qarisay.
Diinku wuxuu u yeeray Maroodiga.
Wuxuu yiri,
"Kaalay bannaanka.
Waxaan rabaa in aan kaa dul boodo hadda."



Diinkii wuxuu ku yiri Maroodiga,
"Maroodi, ma i fiirinaysaa?
Kow, laba, saddex! Kor eeg!"
Maroodigu kor ayuu eegay.
Diinkiina wuu is qariyay.
Naagtii Diinka ayaa soo baxday.
Waxay tiri,
"Ma i aragtaa?"
Maroodigii dhulka ayuu fiiriyay.
Muxuu arkay?


***


Substantiv
x x

Cutubka 18aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.