Waxa la yidhaahdaa Caasha.
Magaceedu waa Caasha.
Waa maxay magacaagu?
Dhammaan magacyadu waxay ka bilaabmaan xarfo waaweyn.
Qor saddex wiil iyo saddex gabdhood magacyadood.
Magacyada maalmuhu waxay ku bilaabmaan xarfo waaweyn.
Qor magacyada saddex maalmood.
Magacyada biluhu waxay ku bilaabmaan xarfo waaweyn.
Qor magayada saddex bilood.
Waxa jira erayo badan.
"Adiga" waa eray.
"Ma" waa eray.
"Dugsiga" waa eray.
Qor erayo badan.
Haddii aad erayo isku darto waxa aad heli doontaa weer.
Laakiin, waa in aad erayada u dhigtaa sida ay iskugu xigaan.
Tee baa weer ah?
b. Dheelayaan gabdhuhu way.
t. Gabdhuhu way dheelayaan.
Weertu waxay ka bilaabantaa xaraf weyn.
Badanaaba waxay ku dhammaataa joogsi.
Qor weero.
***