Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Buugga 2aad • Cutubka 19aad

Buugga labaad • Cutubka sagaal iyo tobnaad




Digaagad yar baa heshay xabbad haruur ah.
Waxay tiri,
"Waxaan helay xabbad haruur ah.
Yaa raba in uu falo haruurka?"
Jiirkii wuxuu yiri,
"Anigu ma rabo."
Bisaddii waxay tiri,
"Anigu ma rabo."
Ridiina waxay tiri,
"Anigu ma rabo."
Digaagaddii yarayd baa tiri,
"Aniga ayaa raba."
Markaa, waxay fashay haruurkii.



Haruurkii wuu biqlay.
Digaagaddii yarayd waxay tiri,
"Yaa raba in uu keeno biyo?"
Jiirkii wuxuu yiri,
"Anigu ma rabo."
Bisaddii waxay tiri,
"Anigu ma rabo."
Ridiina waxay tiri,
"Anigu ma rabo."
Digaagaddii yarayd baa tiri,
"Aniga ayaa raba."
Markaa, waxay keentay biyihii.



Haruurkii bay waraabisay.
Dabadeed, haruurkii baa dhalay.
Digaagaddii yarayd waxay tiri,
"Yaa raba in uu gooyo haruurka?
Imika waa xilligii goynta."
Jiirkii wuxuu yiri,
"Anigu ma rabo."
Bisaddii waxay tiri,
"Anigu ma rabo."
Ridiina waxay tiri,
"Anigu ma rabo."
Digaagaddii yarayd baa tiri,
"Aniga ayaa raba."
Markaas, waxay goysay mirihii haruurka.



Waxay haddana weydiisay.
"Yaa raba in uu haruurka shiido oo ka sameynaya bur?"
Jirkii wuxuu yiri,
"Anigu ma rabo."
Bisaddi waxay tiri,
"Anigu ma rabo."
Ridiina waxay tiri,
"Anigu ma rabo."
Digaagaddii yarayd baa tiri,
"Aniga ayaa raba."
Markaas, haruurkii ayay shiidday oo ay ka sameysay bur.



Waxay haddana weydiisay jiirkii, bisaddi iyo ridii in ay burka ka sameeyaan canjeero ama rooti, laakiin ma rabno ayay saddexduba ku jawaabeen.
Digaagaddii yarayd baa tiri, "Aniga baa raba."
Markaa, burkii ayay ka sameysay rooti.
Waxana ay weydiisay,
"Yaa raba in uu cuno rootidan fiican?"
Jiirkii wuxuu yiri,
"Aniga ayaa raba."
Bisaddii waxay tiri,
"Aniga ayaa raba."
Ridiina waxay tiri,
"Aniga ayaa raba."
Digaagaddii yarayd baa qaylisay oo tiri,
"Maya, maya, maya, cuni maysaan, aniga ayaa tabcaday oo cunaya."
Markaa, digaagaddii yarayd sidaas ayay ku cuntay rootidii fiicnayd.


***


Substantiv
x x


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.