Sahra waxa ay sameyn kartaa waxyaabo badan.
Waxa ay quudinaysaa digaagga.
Waxa ay u daadinaysaa galley.
Cali waa uu hayaa digaagad.
Waxa uu hayaa digaagad yar.
Cali, iska dhaaf, iska dhaaf.
Axmed lo' buu waraabinayaa.
Waxa uu ka keenay meel fog.
Waa uu daalan yahay.
Safiya waxa ay siddaa biyo.
Aamina waxa ay la socotaa Safiya.
Waxa ay tagayaan guriga.
Cumar waxa uu soo ciyaarayaa kubbadda cagta.
Kubbadda cagta ayuu jecel yahay.
Waa ciyaartooy fiican.
Kuwani waa waalidkii carruurta.
Hooyadu cunto ayay karinaysaa.
Aabbuhu beerta ayuu falayaa.
***