Sahra waxa ay la ciyaaraysaa Farxiya.
Sahra waxa ay tiri.
"Ma jecli dheeshan.
Waxaan rabaa dhuumaalaysi.
Kaalay aan saaxiibadeen raadinee."
Farxiya waxa ay tiri,
"Waa kuwan Xaawa iyo Faadumo.
Kaalay aan u yeedhnee.
Faadumo, Xaawa, kaalaya!
Aan ciyaarno dhumaalaysi."
Faadumo waxa tiri,
"Waxaan rabaa xarig ka bood."
Sahra ayaa tiri,
"Maya, taasi ma fiicna.
Dhuumaalaysiga ayaa ka fiican."
"Waayahay, ina keena."
Gabdhuhu waxa ay dheelayaan dhuumaalaysi.
Sahra indhaha ayay isku qabanaysaa.
"Ma tihiin diyaar?"
"Maya, weli ma nihin."
***