Sahra iyo Axmed waxay tagayaan dugsiga.
Waxay la socdaan saaxiibkood Bashiir.
Aad uma soconayaan, waayo Bashiir baa naafo ah.
Macallinku wuxuu sawiray wiil iyo gabar.
Wuxu yiri,
"Yaa qori kara magacyadooda?"
Bashiir wuxuu qorayaa magacyo.
Sahra waxay akhriyaysaa magacyo.
Waa waqtigii nasashada.
Wiilashu waxay ciyaarayaan kubbadda cagta.
Bashiir wuxuu ciyaarayaa kubbadda cagta.
Si gaar ah ayuu u ciyaarayaa,
laakiin, si fiican buu u ciyaarayaa.
***
Waa immisadii?
Waa shantii.
Waa sagaalkii.
Waa kowdii.
Waa saddexdii iyo badhkii.
Waa toddobadii iyo badhkii.
***