Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 1.1

Faadumo saaxiibteeda cusub

Inta aadan akhrin ka hor:
Ma jiraan sannadkan carruur cusub fasalkaaga?
Ma isku dayday in aad la saaxiibto?

Carruurta dhigatay dugsiga Faadumo oo dhammi waa ay is yaqaannaan. Inta badan waa ay isla ciyaaraan. Waxa ay ahaan jireen kuwo faraxsan.

Maalin ayaa ardayad cusubi oo ka timid xaafad kale ku soo biirtay dugsiga. Qofna kama aysan aqoon dugsigeeda cusub.

Waxa ay ahayd gabar xishood badan. Waxa ay u hadlaysay si ka duwan carruurta kale. Aad uma aysan aqoon sida wax loo qoro ama loo akhriyo. Carruurta kale waxa ay bilaabeen in ay ka maadaystaan.

Had iyo jeer keligeed ayey fasalka dhinac ka fariisan jirtey. Fasaxa quraacda keligeed ayaa ciyaari jirtey. Faadumo waxa ay goosatay in ay la hadasho gabadha cusub.

Waxa ay wax ka warsatay qoyskooda iyo xaafaddooda. Waxa ay ku caawisay gabadha shaqo guriga dugsiga.

Waxa ay bartay Faadumo gabadhii walaasheed iyo saaxiibbadeed.

Gabadhii cusbeed ma aysan dareemin cidlo mar dambe. Waxa ay yeelatay saaxiibbo badan.

* * *

Ka dooda su'aalahan.
U shaqeeya koox-koox.

1. Yaa ah saaxiibbadaa?
2. Maxaa aad samaysaan adiga iyo saaxiibbadaa?
3. Maxaa aysan u lahayn carruurta qaar saaxiibbo?
4. Si aad u yeelataan saaxiibbo maxaa aad samayn kartaan?

* * *

Saaxiibbo doono

Anigu ma haysto saaxiibbo aan wada ciyaarno ee aan is caawinno.

Inkasta oo ay carruur adduunka ka buuxaan weligey ma aan arag mid aniga I rabta.

Cutubkan waxa aad ka akhrin doontaa casharro kala duwan ee ku saabsan saaxiibtinimada

* * *

Qor qoraal

Faadumo waxa ay qortay qoraal gaaban oo ku saabsan saaxiibteeda cusub.
Saaxiibteeda cusub waxa la yiraahdaa Safiyo. Waxa ay jirtaa toban sano.
Waxa ay ka timid Jowhar.
Waxa ay dugsiga u qaadataa cambuur buluug ah iyo qimaar cad.
Waxa ay jeceshahay xisaabta.
Waxa ay ku fiican tahay akhriska Qur'aanka.
Marka loo baxo fasaxa quraacda gabdhuhu waxa ay dheelan kala xanteysi (taabasho).
Qor qoraal gaaban ee ku saabsan mid ka mid ah saaxiibbadaa.

Astaamayn
Guuri weerooyinkan.
Ku dhig xarfaha waaweyn iyo joogsiyada meelaha ay ku habboon yihiin.

1. saaxiibkay magaciisu waa mahad waxa uu ku nool yahay meel ii dhow
2. mahad waxa uu dhigtaa fasalka afaraad aniguna waxa aan dhigtaa fasalka saddexaad
3. aniga iyo mahad marka aan dugsiga ka imaanno ka dib waxa aan ciyaarnaa kubbadda cagta waxa aan ku ciyaarnaa garoonka kubbadda cagta
4. mahad waxa uu iga caawiyaa layliyada shaqo guriga ah waxa uu ku fiican yahay sayniska

* * *

Erayo cuscusub

aadan < aad + aan du inte
astaamayn -ta 1. markering 2. interpunktion
baraa 1. undervisar 2. presenterar, introducerar ngn
ku biiraa ansluter sig till ngt, börjar på skola el. likn.
cidlo -da ensamhet
cutub -ka kapitel, enhet
dareemaa känner, upplever
dayaa, daydaa betraktar
isku dayaa försöker
dhigtaa, dhigataa studerar
dhinac vid sidan om
ka doodaa diskuterar ngt, samtalar om ngt
ka duwan annorlunda, avvikande
fasax -a rast, ledighet
goostaa beslutar (sig)
inta + negerat verb ... ka hor innan
kala duwan olika
keligeed hon själv
ka madaystaa skrattar åt ngn, har roligt åt ngn, retar ngn
mar dambe en gång till, (inte) någon mera gång
qimaar -ka axel- eller midjelång slöja, dok
qoraal -ka text
quraac -da frukost
la saaxiibaa blir vän med ngn
saaxiibnimo -da vänskap
taabasho -da vidröring, beröring; namnet på en ringlek
warsadaa, warsataa frågar, ber om information, söker information
xaafad -da grannskap
xishood -ka blyghet
xishood badan (väldigt) blyg
yeeshaa, yeelataa får

Cutubka 1.2


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.