Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 1.2

Laba wiil iyo haramcad

Maxamed iyo Nuur waxa ay ahaayeen saaxiibbo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayey waxa ay socod u aadeen meel kayn ah.
Kaynta waxaa ku noolaa xayawaan badan oo duur-joog ah.
Nuur waxa uu noqday mid baqdin badan.

Maxamed ayaa yiri, "Haddii aan dugaag aragno, anigu kaaga carari maayo ee waan ku kaalmaynayaa."

Nuur ayaa ku jawaabay, "Aniguna sidaa si le'eg baan kuu gargaarayaa haddii uu bahal ina soo weeraro."

Muddo yar dabadeed waxa ay maqleen ciy xayawaan ee hoose. Hareerahooda haddii ay wax yar eeg-eegeen, waxa ay arkeen haramcad in yar u soo jira.

Markiiba Nuur waa uu cararay.
Maxamedna waxa uu bilaabay in uu fuulo geed u dhowaa.
Laakiin markii uu dhex marayo ayaa uu geedkii ka sibxaday oo uu soo dhacay.
Dabadeed waxa uu arkay haramcadkii oo in yar u soo jira.
Waxa uu ku fekerey oo uu ku tashaday in uu jiifsado oo uu iska dhigo meyd.
Waxa uu filayey in uu haramcadku sidaas kaga tagayo.

Haramcadkii inta uu Maxamed dul yimid ayaa uu meel waliba ka ursaday.
Markii uu ka waayey meel dhaqaaqda, ayaa uu iskaga tegey.

Mar alliyo markii uu haramcadkii tagey, waxa soo noqday Nuur.

Waxa uu weydiiyey saaxiibkiis, "War maxaa uu haramcadku kuu sheegayey markii uu afka dhegta kuu saaray?"

Maxamed ayaa ku jawaabay, "Ha raacin saaxiibbada kaa carara marka aad u baahan tahay kaalmadooda."

Uga jawaab su’aalahan buuggaaga layliga.
1. Xaggee bay wiilashu aadeen?
2. Xayawaankee baa fiirsanayey?
3. Maxaa uu Nuur sameeyey markii uu arkay haramcadkii?
4. Maxaa uu Maxamed sameeyey markii uu arkay haramcadkii?
5. Maxaa uu haramcadkii u dili waayey Maxamed?
6. Maxaa uu Maxamed u sheegay Nuur oo uu haramcadku ku yiri?
7. Ma u malaynaysa in haramcadkii la hadlay Maxamed?
8. Wiilkee baa saaxiib run ah ahaa?

Erayo
Isku beeg eraydan iyo macnahooda.
argagaxsan

sanka la raac

xayawaan duur-joog ah
cod hoose samayn

weerar
cabsanaya

gurxan
aan run ahayn

iska yeel-yeel
isku deyid in qof la dhaawaco

ursasho
xayawaan aan dadka la noolayn

U shaqeeya koox-koox kana dooda.
Maxaa aad samayn lahayd haddii aad la socon lahayd Maxamed iyo Nuur maalintaas?

Qor sheeko.
Fiiri sawirradan. Qor sheekadan.

Wiilashii iyo waraabe

* * *

Erayo cuscusub

alliyo < alla varje + iyo
argagaxsan rädd, skräckslagen
bahal -ka vilddjur
baqdin -ta rädsla, oro, fruktan
cabsadaa, cabsataa blir, är rädd för ngt
cararaa flyr
ci- da ord som härmar vissa djurs läte
deyd -ka 1. gårdsplan 2. staket
dhaawacaa skadar
dhaqaaqaa flyttar sig
iska dhigaa låtsas
dheg -ta öra
dilaa dödar
dugaag -ga vilddjur
dul -sha ovansida, yta; över, ovanför
fekeraa tänker
filaa tror, hoppas
gargaar -ka hjälp (i nödsituation)
gurxan -ka djurläte
hareer -ta sida
hareero -ha plur. omgivning
hareerahooda runt om dem
kaa < ku + ka från dig
kaalmo -da hjälp, assistent
le'eg likvärdig, samma (storlek, längd, värde)
macne -ha mening, innebörd
markiiba snabbt, genast
meyd -ka död kropp, lik
muddo -da period, tidsintervall
saaraa placerar
sibxadaa, sibxataa = sibiibixdaa, sibiibixataa halkar, slinter, glider
sidaa på det sättet
tashadaa, tashataa bestämmer sig, väljer ett alternativ
weerar -ka attack

Cutubka 1.3


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.