Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 1.3

Nin iyo daanyeerkiisii

Inta aadan akhrin ka hor
Mar-mar waxa aan la saaxiibnaa xayawaanka.
Ma leedihiin xayawaan guriga lagu rabbaayadeeyo?
Waxa aad akhrin doontaa sheeko ku saabsan nin iyo daanyeer rabbaayad ahaa.

* * *

Waxa la yiri nin baa beri kayn ka helay daanyeer yar oo dhallaan ah.

Ninkii waxa uu daanyeerkii u qaatay gurigiisii si uu u xannaanaysto.

Waxa dhacday in daanyeerkii yaraa koray oo uu weynaadey oo uu xoogeystey.

Daanyeerku waxa uu aad iyo aad u jeclaa ninka koriyey oo uu meel kasta u raaci jirey.

Ninkii iyo daanyeerkii waxa ay noqdeen saaxiibbo isku fiican.

Daanyeerku waxa uu ilaalin jirey ninkii oo uu ka taxaddari jirey.

Ma uusan oggolaan jirin in qof u soo dhawaado.

Ninkii saaxiibbadiis ayaa kaga soo dacwooday daanyeerkii.

Laakiin ninkii ma uusan doonayn in uu daanyeerkiisa meel ku xiro.

Waxaa la yiri maalintii dambe ayaa duqsi yari soo cararay oo wejiga ka fuulay ninkii oo hurda.

Daanyeerkii xoogga weynaa waxa uu ka caroodey duqsiga fuulay saaxiibkii, waxana uu doontay dhagax weyn oo uu ku dilo duqsiga.

Daanyeerkii waxa uu soo walwaaley dhagax oo uu kor u soo qaaday.

Dabadeed waxa uu la dul yimid ninkii wejigiisa oo weli hurda.
Alla! maxaa aad u malaynaysaa in ay dhaceen?
Duqsigii yaraa waa uu iska duulay. Ninkiina waa uu soo kacay oo waxa uu dilay daanyeerkii.

U shaqeeya koox-koox.
Ka dooda su’aalahan.

1. Maxaa uu daanyeerku keligii u joogoy kaynta?
2. Ma u malaynaysaa in daanyeerku ku ag noolaa ninka waqti dheer?
3. Daanyeerku ma jeclaa ninkii lahaa?
4. Maxa ay u jeclaan waayeen ninka saaxiibbadiis?
5. Maxaa uu samaayey ninkii markii uu duqsiguku istaagay wejigiisa?
6. Maxaa uu daanyeerku u xanaaqay?
7. Maxaa uu daanyeerku u raadsaday dhagax weyn?
8. Maxaa ku dhacay ninkii?
9. Maxaa ku dhacay duqsigii?
10. Maxaa ku dhacay daanyeerkii?

Magacyo
Waxyaabaha qaar magacyada leh waa aan arki karnaa waana taaban karnaa.

U sheeg macallimaddaada shay fasalka dhex yaal ee aad arki karitd aadna taaban kartid.
Sheeyaalkaasa oo dhammi waxa ay leeyihiin magacyo.

Ka raadi magacyada.
U shaqeeya laba-labo.
Ma ka heli kartaa qoraalkan gaaban shan magac?

Nin ayaa ka helay kaynta daanyeer. Daanyeerka hooyadii waxa toogatey ugaarsato. Ninkii waxa uu u qaaday daanyeerkii yaraa gurigiisa.

Hoos ka xarriiq magacyada.
Guuri weerooyinkan.
Dabadeed hoos ka xarriiq saddex iyo toban magac ee ku jirta.

1. Daanyeerku waxa uu aad u jeclaa ninkii lahaa.
2. Ninka saaxiibbadiis ma jeclayn daanyeerka.
3. Duqsi ayaa ninka wejiga uga istaagey.
4. Daanyeerkii waxa uu soo qaaday dhagax si uu ugu dhufto duqsigii.
5. Daanyeerkii sidoo kale waxa uu dilay ninkii lahaa.

Samaynta weerooyin.
Geli magacyadan weerooyin.

1. xayawaan
2. kayn
3. saaxiib
4. duqsi
5. walaal
6. hooyo

Wadar
Magacyadu waxa ay noqon karaan wadar ama keli.
Qor wadarta magacyadan.

daanyeer, kayn, ugaarsade, nin, saaxiib, guri, dhagax, duqsi

Maahmaahyo
Macnee maahmaahdan. Macallinka la kaasho.

1. Quraanjo ururtay bulac waa jiiddaa.
2. Af aamusan ma xujoobo.
3. Barasho horteed ha i nicin.
4. Ninkii samra ayaa sakiisa hela.
5. Alla wate wehel uma baahna.

* * *

Erayo cuscusub

alla oj, åh (uttrycker förvåning)
beri -ga en gång (i det förflutna)
bulac -aen sorts liten ödla
caroodaa blir arg
dacwoodaa, dacwootaa klagar
dhallaan -ka barn, unge
ku dhuftaa, dhufataa slår ngt
duqsi -ga fluga
duulaa, duushaa flyger; attackerar
inta … aan … ka hor innan
jiidaa drar
kaashadaa, kaashataa använder sig av ngt, tar hjälp av ngt
koraa växer; klättrar
macne -ha mening, betydelse
marmar ibland, nu och då
nacaa, inf. nici hatar, förkastar, är negativt inställd till ngt
oggol yahay, inf. oggolaan accepterar, tillåter
quraanjo -da koll. myror
rabbaayad -da tamt djur
sako -da årliga allmosa (som man är skyldig att ge inom islam)
samraa, samartaa har tålamod, är resignerad
shay -ga saker
toogtaa, toogataa skjuter
ururaa samlas
walwaalaa tar upp (från marken), bär (ngt tungt)
waxyaabo -ha saker
wehel -ka följeslagare, kompis, sällskap
xanaaq -a ilska
xannaanaystaa, -aysataa tar hand om
xiraa, xirtaa binder, stänger in, fängslar
xujoobaa förklaras skyldig, döms, fälls

Cutubka 2.1


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.