Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 2.2

Saaxiibbo wanaagsan

Inta aadan akhrin ka hor
Weligaa ma jirratey oo dugsiga ma aadi weydey?
Haddii aad jirato, maxaa ay sameeyaan saaxiibbadaa?
Akhri sheekadan ku saabsan gabar jirran.

* * *

Sahro iyo Maryan waa laba gabdhood oo saaxiibo ah.

Labaduba waxa ay dhigtaan dugsi xaafaddooda ku yaal.

Mar kasta waxa ay isu raaci jireen dugsiga.

Sahro keligeed ayaa shaley dugsiga timid.

Maryanna waa ay maqnayd.

Sahro intii ay dugsiga joogtey oo dhan waxa ay ka walwaleysey waxa ku dhacay saaxiibteed.

Wakhtiga dugsigu markii uu dhammaaday, ayaa ay Sahro deg-deg u tagtay gurigii Maryan.

Waxa ay ogaatey in ay Maryan bugto oo uu ku dhacay hargab xun.

Sahro markii ay salaantey Maryan ka dib, ayaa waxa ay uga warrantay dugsiga iyo casharradii maalintaa la soo dhigtay.

Dabadeed waxa ay Alle uga bariday in uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Maryan aabbaheed iyo hooyadeed aad bay Sahro ugu mahad celiyeen.

Uga jawaab su’aalahan buuggaaga layliga.
1. Magaceed Sahro saaxiibteed?
2. Maxaa ay Maryan dugsiga u tagi weydey?
3. Sahro xaggee bay aadday markii waqtiga dugsigu dhammaaday?
4. Maxaa ay u sheegtay Maryan?
5. Yaa ay Sahro uga bariday caafimaad Maryan?
6. Maryan aabbaheed iyo hooyadeed maxaa ay ku dhaheen Sahro?
7. Haddii uu saaxiibkaa jirran yahay maxaa aad samayn lahayd?

U shaqeeya kooxo.
Sameeya masrixiyad ku saabsan saaxiibtinimo.

Naxwe

Sahro iyo Maryan waa magacyo gaar ah ama la yaqaan. Magacyada gaarka ah waxa ay ka bilowdaan xarfo waa weyn.

Magaca gaarka ah waa magac:

qof - Sahro
maalin - Talaado
bil - Soon
magaalo ama tuulo - Baydhabo
waddan - Kenya
webi - webiga Jubba
buur - buurta Surad
bad - badda Hindiya

U shaqeeya laba-labo.
Jawaabaha oo dhan waa magacyo gaar ah ama la yaqaan.

1. Qor saddex magac ee gabdhood.
2. Qor saddex magac ee wiil.
3. Qor magacyada afar magaalo.
4. Qor magacyada laba webi.
5. Qor magacyada saddex maalmood ee toddobaadka.
6. Qor magacyada afar bilood.

Guuri weerahan.
Hoos ka xarriiq magacyada gaarka ah ee ku jira weerooyinkan.

1. Sahro iyo Maryan waa saaxiibbo isku fiican.
2. Waxa ay ku nool yihiin Marka.
3. Marka waxa ay ku taallaa xeebta badweynta Hindiya.
4. Marka waxa ay u dhowdahay webiga Shabeelle.
5. Sahro waxa ay soo booqataa galab waliba ee Jimce ah ayeeydeed.
6. Ayeeydeed waxa ay ku nooshahay Golweyn.

Magac guud iyo magac gaar ah.
Waxa aan u qaybin karna magacyada laba kooxood.

Magac guud waa magac ka dhexeeya dad ama xoolo ama walxo.
Magaca guud kuma bilowdo xaraf weyn.

Guuri weerooyinka hoosna ka xarriiq magacyada guud.

1. Waxa aan lumiyey qalin.
2. Waxa aan raadinayaa hilib.
3. Dugsigoodu waa yar yahay.
4. Aabbihiis waa beeraley.
5. Cunuggu waxa uu doonayaa caano.

Magaca gaarka ah waxa uu gaar u yahay dadka, magaalooyinka, waddamada, maalmaha, bilaha, webiyada, iyo buuraha.

Magaca gaarka ahi waxa uu had iyo jeer ka bilowdaa xaraf weyn.

Guuri weerooyinkan oo hoos ka xarriiq magacyada gaarka ah.

1. Xaawo waa walaashaa.
2. Caasimadda Soomaaliya waa Muqdisho.
3. Ma waxa aad ku dhalatay Kismaayo?
4. Waxa aan Jimcaha aadaa masaajidka.
5. Buurta waddankeenna ugu dheer waa buurta Surad.

Ku guuri jadwalkan buuggaaga layliga.
Ku qor jadwalka magacyada weerooyinkan ku jira.

1. Carruurtu waxa ay cunayaan quraac.
2. Canab waa macallimad.
3. Gabdhuhu waa faraxsan yihiin.
4. Axmed iyo Sahro waa walaalo.
5. Gurigeygu waxa uu ku yaal Garowe.
6. Waxa aan doonayaa cunto.
7. Waxa aan dhashay Nofeembar.
8. Dhismihii waa la dumiyey.
9. Jubba waa webi weyn.
10. Baskii waa yimid.
11. Ina keen aan badda ku dabaalannee.
12. Walaalkay waxa uu ku nool yahay Iglan.

* * *

Erayo cuscusub

bariyaa, baridaa ber (om något)
caafimad -ka hälsa
caasimad -da storstad, huvudstad
cunug -ga barn, bebis
dabaal, dabaasha simning
dabaashaa, dabaalataa simmar
dumiyaa, dumisaa förstör, river ner
gaar ah särskild, speciell
guud vanlig, allmän
inta/intii konjunktion medan, för att
jirran sjuk
jirradaa, jirrataa blir sjuk, insjuknar
labaduba < laba-d-u-ba subjekt (och) de två också
lumiyaa, lumisaa förlorar, tappar bort
maqan frånvarande
maqnayd hon var borta
mar kasta alltid, varje gång
masrixiyad -da teaterföreställning, pjäs
ogaadaa, ogaataa vet, känner till
Soon -ka nionde månaden i muslimska året, Ramadan
Surad ett berg i närheten av Erigavo
walwalaa, walwashaa oroar sig
xaafad -da grannskap

Cutubka 2.3


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.