Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 2.3

Dugsigayga

Qor qoraal gaaban.
Faadumo waxa ay qortay qoraalkan gaaban ee ku saabsan dugsigeeda.

Dugsigayga waxa la yiraahdaa Hoose/Dhexe ee Basar.
Waxa uu leeyahay lix qol, xafiis iyo maqaasiin.
Gidaarka dugsigu waxa uu ka samaysan yahay dhagax.
Saqafku waxa uu ka samaysan yahay laamayeeri.
Fasalkaygu waxa uu leeyahay afar dariishadood oo waaweyn.
Magaca maamulahaygu waa Mudane Cali Caddow.
Macallinka Af-Soomaaliga ii dhiga waa Mudane Cabdi Maxamed.
Maaddada aan ugu jeclahay waa diinta Islaamka.

Qor qoraal gaaban ee ku saabsan dugsigaaga.

Fasalka Faadumo
Kani waa sawirka fasalka Faadumo.
Xaggee bay fariisataa? Isku aaddi tirada iyo magacyada.

1. Cusmaan waxa uu dhinac fariistaa Maxamed. Cusmaan = 4
2. Safiyo waxa ay dhinac fariisataa Aamina. Safiyo =
3. Ibraahim waxa uu fariistaa Cumar iyo Xaliima dhexdooda. Ibraahim =
4. Xuseen waxa uu fariistaa Cumar iyo Cali dhexdooda. Xuseen =
5. Cabdulle waxa uu fariistaa Cumar gadaashiisa. Cabdulle =
6. Faadumo waxa ay fariisataa Aamina horteeda. Ma run baa? Faadumo =

Meeleeye
Meeleeyeyaashu waxa ay inoo sheegaan meesha uu qof ama shay yaallo.

Dhinac, u dhexaysa, dhanka-hore iyo gadaal waa meeleeyeyaal.

Guuri weerooyinkan.
Hoos ka xarriiq meeleeyeyaasha ku jira.

1. Faadumo waxa ay ku nooshahay Baydhabo dhexdeeda.
2. Gurigeeda waxa uu dhanka-hore uga yaal dugsi.
3. Halkaas waxa ah dukaan dhinac yaal gurigeeda.
4. Aabbaheed waxa uu ka dhex shaqeeyaa dukaan.
5. Isagu waxa uu iibiyaa waxyaabaha kor saaran iskafaallada dukaanka.

Xaggee fariisataa?
Qor shan weerood ee ku saabsan saaxiibbadaa.
Sheeg meesha ay ka fariistaan fasalka.
Hoos ka xarriiq meeleeyeyaasha ku jira qoraalkaaga.

Tusaale: Faadumo waxa ay fariisataa Aamina horteeda.

Xeerarka dugsiga
Fiiri maamulaha Faadumo.
Waxa uu ka hadlayaa daabuurka dugsiga hortiisa.

U fiirso waxa uu maamuluhu leeyahay.
Waxa uu isticmaalayaa waa in aan iyo waa in aanaan.

1.
Dugsigiinnu ma leeyahay xeerar?
Maxaa ay yihiin?
U sheeg macallinkaaga.
2.
U shaqeeya koox-koox.
U samee xeerar fasalkaaga.
Isticmaal waa in aan iyo waa in aanaan.

Farbarasho
Macallinka ayaa waxa uu kuu dhigi doonaa xeerarka qaar ka mid ah sabuuradda.
Si hagaagsan u guuri xeerarka fasalkaaga.

* * *

Erayo cuscusub

daabuur -ka ??
dagaallamaa strider
dhan -ka riktning
gadaal -sha baksida, bakom
gubaa eldar, bränner upp
iskafaale -ha hylla
jaraa skär, klipper av
laamayeeri -ga korrugerad plåt
maad -da humor, skämt, ngt roligt
maqaasiin -ka magasin, förråd
meeleeye -ha preposition
qashin -ka skräp, sopor
sabuurad -da svart tavla
xeer -ka regel, vana, tradition

Cutubka 2.4


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.