Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 4.4

Taageeridda dadka liita


Inta aadan akhrin ka hor.
Diinteenna Islaamku waxa ay na baraysaa in aan isu naxariisanno.
Weligaa qof liita wax ma u tartay?
Maxaa aad qabatay?
Waxa aad akhrin doontaa sheeko ku saabsan nin dhallinyaro ah oo naxariis badan oo caawiyey nin waayeel ah iyo qoyskiisa.

* * *


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin duq ahi waxa uu u socday gurigiisa.

Waxa uu sidey kirli culus.
Waxaa ka buuxay kirliga biyo. Duqu waxa uu ahaa mid daal ka muuqdo.

Ninkii dhallinta yaraa oo naxariista badnaa waxa uu arkay duqii.
Ninkii waxa uu aaday xaggii ninkii duqa ahaa kana qaaday kirligii cuslaa.

Ninkii dhallinta yaraa iyo duqii waa ay is raaceen.

Dabadeed duqii waxa uu u sheegay in ay
xaaskiisii dhimatay.
In uu sabool yahay.
In uu leeyahay carruur yar-yar.
Laakiin Ilaahey waxa uu u qoray in ay helaan.

In uusan jirin qof kaalmeeya isaga iyo carruurtiisa.

Ninkii dhallinta yaraa aad ayaa uu uga xumaaday arrintaas.

Isla markiiba waxa uu u sheegay in Ilaahey ku filan yahay.

Kirligii biyuhu ku jireen waxa uu dhigay gurigii duqa.
Dabadeed waxa uu aaday gurigiisa.
Waxa uu soo qaaday bur iyo cunto kale kuna soo noqday gurigii duqa.
Carruurtu waxa ay u ooyeysay cunto.

Ninkii naxariista badnaa waxa uu u sheegay duqii in uu u diyaariyo ilmaha cuntada.

Cuntadii isla markiiba diyaar baa laga dhigay. Carruurtii iyaga oo faraxsan ayaa waxa ay cuneen cuntadii.
Isla markiibana waa ay seexdeen.
Duqii waxa uu u mahad celiyey Ilaahey. Markii xigtane ninkii cuntada u keenay.

Ninkii dhallinta yaraa waxa uu ku noqday gurigiisii isaga oo faraxsan.

9. U dhig weerooyinkan sida ay isugu xigaan.
Nin dhallinyaro ah ayaa arkay nin duq ah oo kirli culus sida.
Carruurtii iyaga oo faraxsan ayaa waxa ay
cuneen cuntadii.
Duqii waxa uu u sheegay ninkii dhallinta yaraa in uu sabool yahay.
Waxa uu qoyskii u kariyey cuntadii.
Waxa uu u qaaday kirligii cuslaa ninkii duqa ahaa gurigiisii.
Ninkii dhallinta yaraa ayaa waxa uu ka soo qaaday gurigiisii cunto.

10. Isku aaddi oo qor weerooyinkan.

1. Ninku waxa uu ahaa mid …… gaajo.
2. Kirligiisu waxa uu ahaa mid …… gargaare.
3. Carruurtiisa waxa haayey …… murugo.
4. Ninka dhallinta yaraa waxa uu ahaa …… duq ah.
5. Sheekadii duqa waxa ay ninkii …… culus
ku dhalisay.

11. Magacyo iyo tilmaamo
Guuri weerooyinkan hoosna ka xarriiq magacyada.

1. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin u socday gurigiisa.

2. Waxa uu sitey kirli.

Waxa aan ka dhigi karnaa qoraalkeenna mid xiiso leh, innago oo isticmaalayna tilmaamo aan ku sifayneyno
magacyo.

Tusaale:

1 . Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin duq ahi u socday gurigiisa.
2. Waxa uu sitey kirli culus.

12. Hagaaji qoraalkaaga.
Ka raadi magacyada weerooyinkan. Dabadeed xiiso u yeel weer waliba adiga oo isticmaalaya tilaamayaal wax ka sheegaya magaca.
1. Wiilkii waxa uu laaday bisaddii.
2. Naagtii waxa ay ku fariisatay kursigii.
3. Ninkii waxa uu kor u qaaday dhagaxii.
4. Libaaxii waxa uu daba galay deeradii.
5. Gabadhii waxa ay ku istaagtey kursi si ay u gaarto iskafaallada.

13. Isticmaal tilmaameyaal oo sifee sawirradan.
1. 2. 3. 4.

14. Isku aaddi tilmaameyaasha isku lidka ah.
duq
fudud
murugaysan
naxariis la'
naxariis badan
yar
weyn
faraxsan
culus
dhallin yar

Cutubka 4.5


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.