Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 4.5

Bilaha Hijriyada


Bilaha sannadka Hijriga ahi waxa ay ka soo bilowdeen markii Nabigeenna Muxammed (NNKH) ka soo haajirey Makka una haajirey Madiina.

Sida bilaha Miilaadiga ah ee Nebi Ciise (CS) dhashay ayaa bilaha Hijriyada ahi waxa ay ka kooban yihiin 12 bilood. Soomaalidu waxa ay u baxsadeen magacyo qaas ah bilahan. Fiiri sida Soomaalidu u tiriyaan bilahan.

Bilaha loo akhriyo Soomaali bilaha Hijriyada
Sako Muxaran
Safar Safar
Mawliid Rabiicul-Awal
Maalma-doone Rabiicul-Aakhir
Ban-dambe Jamadul-Awal
Boqoshoon Jamadul-Aakhir
Sabbuux Rajab
Waabaris Shacbaan
Soon-qaad Ramadaan
Soon-fur Shawaal
Sidataal Dul-Qacdah
Arrafo Dul-Xajah

15. Uga jawaab su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Tiri bilaha Hijriyada.
2. Magaceed bisha shanaad?
3. Maxaa ay ku magacaabaan Soomaalidu bisha tobnaad ee Hijriyada?
4. Bishee baa la tagaa Xajka?
5. Maxaa ay sameeyaan dadka Muslimiinta ahi bisha Carafo?

16. Farbarasho.
Ku guuri fartaada ta ugu qurxan magacyada bilaha lagu akhriyo Af-Soomaaliga iyo bilaha Hijriyada.

Cutubka 4.6


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.