Carabi ahaan, bisha Soon-qaad waxaa loogu yeeraa Ramadaan.
Bisha Ramadaan waxa ay ka mid tahay I 2ka bilood ee ku jira sannadka Hijriyada ee Islaamka.
Bishani waa bil faa'iidooyin badan leh adduun iyo aakhiro, sababtoo ah:
1. Waa bishii Qur'aanka Kariimka ahi Allaha na abuuray soo dejiyey.
2. Waa bisha Alle umaddiisa Muslimiinta ah uu faray in ay soomaan, sababtoo ah soonku waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka.
3. Waa bisha uu ku jiro habeen ka khayr badan kun habeen.
4. Waa bisha uu Ilaahey xoreeyo dad ay naari u waajibtey.
17. Ku qor jawaabaha buuggaaga layliga.
1. Waa immisa bilood sannadka Hijriyada?
2. Bishee baa ugu horreysa sannadka Hijriyada?
3. Bishee baa ugu dambaysa sannadka Hijriyada?
4. Bishee bay Muslimiintu soomaan?
5. Bishee buu Qur'aanka Kariinka ahi soo degey?
6. Maxaa ay tahay muhimadda habeenka Laylatul-Qadariga ah?
Diinta Islaamku waxa ay na baraysaa in aan is jeclaano.
Fiiri sawirradan. Qor sheekadan.
Jeclow walaalahaa
1. 2. 3. 4. 5. 6.