Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 4.7

Qaddarinta waalidka


Diinta Islaamku waxa ay na baraysaa in aan waalidka qadarino. Labadii ku dhashay oo caasi lagu noqdaa waa dembi weyn.

Qof kasta waxaa dhalay aabbe iyo hooyo. Hooyadaa sagaal bilood ayaa ay uurka kugu sidday. Waxa ay sagaalkaa bilood kaa soo martay dhib aad u fara badan. Waa ay ku dhashay oo ku nuujisay.

Aabbahaa iyo hooyadaa waxa ay u gaajoodeen sidii aad adigu u dhergi lahayd. Waxa ay u soo jeedeen in aad adigu seexato. Waalidkaa waxa uu kaa mudan yahay in aad u dhego nuglaato. Waxa uu kaa mudan yahay in aad u shaqayso. Mar kastana waa in aad ag joogtid ama u timaadid haddii aad meel kale ee ay ogyihiin aad ku nooshahay kana war haysid.

Waalidku kuma koobna aabbaha iyo hooyada ku dhalay oo keliya. Macallinka Qur'aanka kuugu dhiga dugsiga isaguna waa waalidkaa oo kale. Macallimiinta kale ee wax ku bara iyaguna waa kuu waalid, waxana ay kaa mudan yihiin tixgelin iyo in aad u dhego nuglaatid.

Waxa kale oo ka mid ah waalidkaa adeeradaa, eeddooyinkaa, abtiyaashaa, habaryarahaa, labadaada awoowe, iyo labadaada ayeeyo.

18. Uga jawaab su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Maxaa uu kaa mudan yahay waalidkaa?
2. Qaddarin ma kaa mudan yihiin aabbe iyo hooyo?
3. Ma la leedahay xiriir waalidkaa?
4. Sidee baad u xushmaysaa waalidkaa?
5. Yaa mas'uul kaa ah?
6. Sidee baad ula dhaqantaa macallinka Qur'aanka kuu dhiga?

19. Erayo
Buuxi meelaha bannaan. Isticmaal erayadan. macallinka, dhashay, sagaal, caloosha.
1. Qof waliba waxaa …… hooyo.
2. Hooyadaa waxa ay kugu qaadday ……
3. Waxa ay caloosha kugu qaadday …… bilood.
4. …… Qur'aanka kuu dhiga waa waalidkaa
oo kale.

Cutubka 4.8


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.