Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 4.8

Siiradii Nebi Muxammed (NNKH)


Nebi Muxammed (NNKH) waxa uu aabbihii dhintay isaga oo uurka hooyadii ku jira.

Nebiga hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo shan jir ah.

Waxaa koriyey awowgii oo la oran jiray Cabdul-Mudalib.

Waxa uu Nebigu awowgii dhintay isaga oo siddeed jir ah.

Markii uu awowgii dhintay Nebi Muxammed (NNKH) waxaa xilkiisa la wareegay adeerkii Abuu Daalib

20. Ku qor jawaabaha su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Immisa jir ayaa uu ahaa Nebi Muxammed (NNKH) markii uu aabbihiis dhintay?
2. Immisa jir ayaa uu ahaa Nebi Muxammed (NNKH) markii ay hooyadii dhimatay?
3. Immisa jir ayaa uu ahaa Nebi Muxammed (NNKH) markii uu awowgiis dhintay?
4. Maxaa la dhihi jirey magaca Nebi Muxammed (NNKH) awowgiis?

Waqtigii ay Qureeshtu caabudi jireen sanamyada

Nebi Muxammed (NNKH) waxa uu ku dhashay Makka. Waxaa lagu caabudi jirey Makka sanamyo Islaamka ka hor.

Sanamyadu waxa ay ka samaysnaayeen dhagax iyo qoryo.

Qaar ka mid ah sanamyada waxaa laga samayn jiray timir.
Dabadeed timirta waa ay cuni jireen marka
ay doonaan.

Markii uu Nebi Muxammed (NNKH) arkay waxa ay reer Makka caabudayaan ayaa uu isaga dhex baxay.

Sidaa darteed waa uu ka haajirey dadki reer Makka.

21. Ku qor jawaabaha su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Maxaa ay dadkii reer Makka caabudi jireen?
2. Magacow saddex shay oo ay ka samayn jireen reer Qureesh sanamyada.
3. Ka dib maxaa uu sameeyey Nebi Muxammed (NNKH)?

Cutubka 4.9


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.