Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 4.9

Rasuulkii Ilaahey (NNKH)


Nebi Muxammed (NNKH) waxa uu lahaa tilmaamo wanagsan oo ay ka mid ahaayeen hadal xikmad leh, naxariis badan, dul qaad badan iyo tilmaamo kale oo fara badan oo ay tahay in looga daydo.

Nebi Muxammed (NNKH) waxa uu tegey god (Qaarul Xiraa) buur ku yaal oo uu Ilaahey ku caabudi jirey.

Dabadeed maalin maalmaha ka mid ah, halkaas waxaa Nebiga ugu yimid Malakul Jibriil oo uu Ilaahey u soo diray. Malakul Jibriil waxa uu Nebiga u sheegay in uu Ilaahey Rasuul u doortay.
Waxa uu u doortay in uu diinta Islaamka makhluuqa oo dhan gaarsiiyo caddaan iyo madowba, jinni iyo insiba.

Rasuulnimadii iyo dacwadii Nebi Muxammed (NNKH)

Nebi Muxammed (NNKH) aad buu u naxariis badnaa. Dadka qofkii dhibaataysan waa uu u kaalmayn jiray.

Had iyo jeer waxa uu haystay wax buu ka bixin jirey oo uu siin jirey dadka liita, isla markaana waxa uu dadka u sheegi jirey waxa diintu farayso iyo waxa ay ka reebayso.

Waxa uu xaddiis ku yiri, "Qofku waa in uu wax khayr ah ku hadlaa ama waa in uu iska aamusaa."

22. Ku qor jawaabaha su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Yaa doortay Nebi Muxammed (NNKH)?
2. Sheeg tilmaamaha wanaagsan ee Nebigu (NNKH) lahaa?
3. Maxaa uu dadka uga digi jirey?

23. Shibbanayaasha laban-laabma
r rr carab carrab jir jirr beri berri jirid jirrid
Buuxi meelaha bannaan. Isticmaal erayada kor ku qoran.
1. Nebi Muxammed (NNKH) waxa uu ahaa ……
2. …… waa jimce.
3. …… hore waxa jirey nin taajir ah.

l ll falay fallaar keli kelli talo taallo bal ballan
Buuxi meelaha bannaan. Isticmaal erayada kor ku qoran.
1. …… been ah ha qaadin.
2. Ha qaadan …… mariid leh.
3. Meelaha qaar waxaa lagu arkaa …… dheer.

Maahmaahyo
1. Qun yar socde qodaxi ma muddo.
2. Ilko wadajir bay wax ku gooyaan.
3. Beeni raad ma leh.
4. Labo kala bariday kala war la'.
5. Cimri tegey ceeb laguma sagootiyo.
6. Tagto daayo timaado qabo.

Cutubka 5.1


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.