Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 5.1

Cigaal Shiidaad iyo nayl


Sheekooyin dhaqameedyo

Cutubkan waxa aad ka akhrin doontaa sheekooyin dhaqameedyo Soomaaliyeed.

Inta aadan akhrin ka hor.
Waa maxay cinwaanka sheekada?
Sheeko noocee ah baad u malayneysaa in ay tahay?
Ma jeceshahy sheekooyinka Cigaal Shiidaad?
Ma malayn kartaa tilmaan kasta ee qeexaysa Cigaal Shiidaad?

* * *


Cigaaal Shiidaad waxa uu ahaa nin nabadda jecel, laakiin waxaa lagu tilmaami jirey nin caan ku ahaa xagga fulaynimada. Sidaa darteed, sheekooyinkiisu waxa ay u badan yihiin kuwa ka hadlaya fulanimadiisa.

Waxa la yiri, "Cigaal Shiidaad oo tukanaya ayaa nayl xaggiisa u soo carartay. Cigaal baa boodey oo salaaddii ka baxay. Waxa uu u cararay dhinicii nayshii u carartay." Cigaal iyo nayshii oo is daba ordaya ayaa ku xerooday gurigii reerka.

Cambaro oo ahayd islaantii Cigaal ayaa dibadda uga soo booddey aqalkeedii oo weydiisay, "War Cigaal maxaa ku eryanaya?"

Cigaal inta uu dib eegay ayaa uu ku jawaabey, "Bahalkaan madaxa madoobi waxa uu ka ordayo ayaa aan ka ordayaa!" Bahalka ma taqaan? Waxa uu sheegayo waa nayshii.

1. Qor run, been ama ma aqaan.
1 . Nayshu waxa ay ka baqday waraabe.
2. Cigaal waxa uu karinayey cunto.
3. Cigaal waxa uu ka daba orday nayshii.
4. Nashii ayaa daba oroday Cigaal.
5. Cigaal waa uu baqay.
6. Cigaal waxa soo weeraray waraabe.
7. Cigaal iyo nayshii waxa ay galeen gurigii.
8. Magaca xaaska Cigaal waxaa la oran jirey Cibaado.
9. Cigaal xaaskiisu waxa ay karinaysay cunto.
10. Cigaal xoog ayaa uu u orday.

2. Ka codso qoyskiina in ay kuu sheegaan sheeko kale ee ku saabsan Cigaal. Dabadeed u sheeg saaxiibbadaa.

3. Isku macne
Had iyo jeer waxa jira erayo isku macne ah.

Isku beeg erayadan iyo macnahooda kuna qor buuggaaga layliga.

eray macnahiisa baraar cigaal bahal galay xerooday naxay diday nayl fuley waraabe

Cutubka 5.2


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.