Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 5.2

Goorma ayaa aad dhimmanaysaa?


Inta aadan akhrin ka hor.
Ma taqaan sheekooyin ku saabsan Juxa?
Nin noocee ah ayaa uu ahaa?

Ilaahey ayaa og waqtiga aan dhimmanayno.

* * *


Beri baa Juxa waxa uu doonay in uu qoryo soo gurto. Waxa uu fuulay geed weyn si uu laamaha qalalay uga soo gurto. Markii uu dhowr laamood soo gooyey ee uu dhulka soo dhigay ayaa uu bilaabay in uu faaskiisii afka badnaa ku garaaco oo uu ku gooyo laantii uu xagga hore kaga taagnaa.

Isla markiiba waxa soo garab istaagey nin aad u yaabban oo cabsi iyo welwel wejigiisa ka muuqato. Waxa uu Juxaa ku yiri, "War iska jir khatarta aad ku sugan tahay. Laanta aad saaran tahay ayaa salka ka soo go'aysa. Marka aad goysid adiga iyo laanta dhulka ayaad ku soo wada dhici doontaan." Juxa iyo laantii oo is wata ayaa islamarkaasna dhulka ku soo dhacay. Juxa intuu markiiba boorkii iska jafay ayaa uu ka daba orday ninkii, waxa uuna ku yiri, "Ninyahow waxa aad tahay nin og waxa soo socda ee ii sheeg goorta aan dhimanayo."

Ninkii waxa uu la yaabay doqonimada Juxa, waxa uuna ku yiri isaga oo ku ciyaaraya, "Waxa aad dhimanaysaa marka dameerkaagu seynta kor u taago oo uu qayliyo, dhuusana ku daro."

Maalintii dambe Juxa dameerkiisii waxa uu arkay dameer kale. Markaas ayaa uu seynta kor u taagey, qaylo iyo dhuusana isku daray. Markii arrintu sidaa u dhacday, Juxa kafan ayuu soo qaatay oo uu isku duubay oo geed weyn oo magaalada ka baxsan hoos seexday.

Maalintii dambe Juxa dameerkiisii waxa uu arkay dameer kale. Markaas ayaa uu seynta kor u taagey, qaylo iyo dhuusana isku daray. Markii arrintu sidaa u dhacday, Juxa kafan ayuu soo qaatay oo uu isku duubay oo geed weyn oo magaalada ka baxsan hoos seexday.

4. U shaqeeya koox-koox. Ka dooda su'aalahan.
1 . Maxaa uu Juxa u fuulay geedka?
2. Sidee buu ninku ku ogaadey in uu Juxa soo dhacayo?
3. Maxaa uu ugu maleeyey Juxa in uu og yahay ninku waxa soo socda?
4. Maxaa uu Juxa isu duuduubay oo dhulka isugu tuuray?
Ma taqaan sheeko ku saabsan Juxa? U sheeg sheekada saaxiibbadaa.

Qor sheekadan.

Fiiri sawirradan. Dabadeed qor sheekadan.
1. 2. 3. 4.

Cutubka 5.3


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.