Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 5.3

Xayawaanka biyaha ku jira


U fiirso sawirka oo u sheeg macallinkaaga waxa aad ku aragtid.

Tan xigta, u dhegeyso sheekadan si taxaddar leh. Dabadeed adigu kor u akhri.

Waqti waayaha waqtiyada ka mid ah ayaa bisad gurigeedii ka tagtay. Waxa ay tagtay meel ay biyo ku jiraan. Biyihii ayaa ay eegtay oo ay ku aragtay hooskeedii.

Bisaddii waxa u tagtay digaagad waxana ay ku tiri, "Digaagadey bal soo orod. Bisad ayaa ka muuqata biyahan. Waa in aad arrintan ii sheegtaa."

Digaagaddii waxa ay soo qaadatay baaldi. Dabadeed waxa ay ku ordeen biyihii. Digaagaddii iyaduna waxa ay iska dhex aragtay biyihii.

Digaagaddii waxa ay tiri, "Kama arki karo bisad. Laakiin waxa aan ka arkaa biyaha dhexdooda digaagad. Adiga waa in aad i caawidaa. Bal orod oo noogu yeer
daanyeerka. Isagu waxa uu leeyahay gacmo dhaadheer. Waxa uu awoodaa in uu digaagadda dibadda noogu soo saaro."

Bisaddii waxa ay aadday daanyeerkii oo ku tiri, "Daanyeerow dhaqso u kaalay. Digaagad ayaa biyaha ku dhex jirta ee waa in aad noo soo gurmataa."

Daanyeerkii iyo bisaddii waxa ay yimaadeen biyihii dushooda. Daanyeerkii waa uu qoslay.

Daanyeerkii waxa uu u yeeray bisaddii iyo digaagaddii, waxana uu tusay in cid waliba ay iska arki karto biyaha haddii uu hoos u fiiriyo.

Maxaa aad u malaynasaa in ay arkeen?

Qof waliba markii uu hoos eegay waxa uu arkay hummaaggiisii.

5. Ka jawaab su'aalahan.
1. Maxaa ay bisaddii ku aragtay biyihii?
2. Yey raacday oo ay u yeertay?
3. Xayawaankee baa ugu gacmo dheeraa?
4. Maxaa uu daanyeerku baray bisaddii iyo digaagaddii?

6. Erayada wax isku xira
Maxaa dhacay markii ugu horreysay? U dhig
weerooyinkan sida saxa ah. Isticmaal erayadan wax isku xira.
Ugu horreyn, ka dib, ku xigta, ugu dambayntii.
Bisaddii waxa ay u tagtay digaagaddii.
Digaagaddii waxa ay biyaha ku aragtay digaagad.
Daankeerkii waxa uu baray xayawaankii hummaag.
Bisaddii waxa ay biyaha dhexdooda ku aragtay bisad.
Bisaddii waxa ay u oroday daanyeerkii.

7. Isticmaalka "ma"
Isticmaal "ma" si aad u beddeshid macnaha weerooyinkan. "Ma" waxa ay keentaa su'aal.
1. Bisaddii waxa ay ku dhex aragtay biyaha digaagad.
2. Digaagaddii waxa ay doontay daanyeerkii.
3. Daanyeerkii waxa uu arkay wixii digaagaddu aragtay.
4. Daanyeerkii waxa uu ku qoslay digaagaddii iyo bisaddii.

8. Shibbanayaasha laban-laabma
Xarfaha laban-laabma waa b, d, r, g, l, n iyo m. Fiiri tusaaleyaasha jadwallada.
m mm amar ammaan dhumuc dheemman xamar xummad amaan ammaan
1. …… waa qaali.
2. Cali waxa ku dhacay ……
3. Fiiri …… hesho.

n nn banan bannaan keen keenna hanad sannad canaan hannaan
1. …… kitaabka Qur'aanka.
2. Waxa bilaabanaya …… cusub.
3. Fiiro …… si aad u hesho iftiinka qorraxda.

9. Astaamayn
Guuri weerooyinkan. Ku dhig xarfaha waaweyn iyo joogsiyada meelaha ku habboon.

cigaal shiidaad waxa uu ahaa nin nacas ah waxa uu daba orday nayshii waxa uu u maleeyey in ay nayshu ka soo carartay xayawaan khatar ah.
juxa waxa uu garaacay geed nin ayaa u sheegay in uu ka soo dhici doono geedka juxa waxa uu u maleeyey in uu ninku og yahay waxa soo socda

Cutubka 5.4


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.