Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 5.4

Beenlow waa laba wejiile


Cusmaan iyo Cabdi waxa ay ahaayeen beenaaleyaal. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa ay u baahdeen xoogaa cunto ah. Waxa ay ku tashadeen in ay been u sheegaan dadka magaalada jooga si ay cunto u helaan.

U shaqeeya kooxo saddex ah. Mid waa Cusman . Midna waa Cabdi. Ka kalena waa Jaamac. Jila sheekada.

Cusmaan: Cabdiyow, markii aan galno magaalada, aan been u sheegno dadka si aan cunto uga helno.
Cabdi: Waa yahay.
Cusmaan: Ina keen aan u tagnee Jaamac.
Cabdi: Maad naga daysid ninkaasi nama siinayo wax cunto ah.
Cusmaan: Waxaa laga yaabaa in uu na siiyo cunto haddii aan u sheegno sheeko. Aan u sheegno in aan aragnay wax naga yaabiyey intii aan soo soconay. Dabadeedna waxa uu nagu marti qaadi doonaa gurigiisa si uu u dhagaysto. Sheekadeenna waxa uu nagu siin doonaa xoogaa cunto ah inta aan hadlayno.
Cabdi: Waa yahay. Taasi waa qorshe fiican.
Cusmaan: Jaamac. Sidee baad tahay?
Jaamac: War waan fiicanahay. Adinkuse sidee baad tihiin?
Cismaan: Nabad.
Jaamac: Waa nabade soo dhawaada. Sidee buu ahaa safarkiinii?

Cusmaan: Waxa aan aragnay wax naga yaabiyey.
Jaamac: Alla! Ma run baa? Maxaa aad aragtay?
Cabdi: Waxa aan aragnay daruurro u socda
xagga sare.
Cusmaan: Maxaa! Waxa aan ku heshiinnay in aan been sheegno. Laakiin kuma aynaan heshiin in aan wax ka sheegno wax ku saabsan cirka.

10. U shaqeeya kooxo. Ka dooda su'aalahan.
1. Maxaa ay Cabdi iyo Cusmaan rabeen in ay helaan?
2. Maxaa ay ku heshiiyeen Cusmaan iyo Cabdi in ay sameeyaan?
3. Sidee baa uu Jaamac ku ogaaladay in ay sheegaan been?
4. Kee baad u malaynaysaa in uu caqli badan yahay - Cusmaan ama Cabdi? Sheeg sababta aad ku adkaynaso jawaabtaada.
5. Nebigeennu (NNKH) waxa uu sheegay in ay been sheegiddu tahay calaamad munaafaq. Ma u sheegtaa been waalidkaa iyo dadka kale?
6. Haddii uu qof mar waliba sheego been, marka dambe maxaa ku dhacaya inta uusan aakhiro tegin?

Cutubka 5.5


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.