Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 5.5

Dawaco, diin iyo bakayle


Beri baa waxa jiri jirey dawaco, diin iyo bakayle saaxiibbo ah. Waxa ay wada lahaayeen beer weyn. Shaqada beerta waa ay wada qaban jireen. Beerta waxa ay ku beeri jireen khudaar kala nooc nooc ah. Waxa ay ku beeri jireen yaanyo, qare iyo waxyaalo kale. Xilli gu' ah ayey beertii aad uga shaqeeyeen oo waxa ay ku beereen khudaar badan.

Khudaartii baa baxday, waxana soo dhawaadey wakhtigii la goyn lahaa. Markii la gaaray waqtigii la goyn lahaa, ayey ku heshiiyeen in ay beerta u qaybiyaan saddex meelood. Mid kasta waxaa la siiyey qaybtii uu ka shaqayn lahaa ee uu goyn lahaa.

Waxa ay bilaabeen shaqadii Hase yeeshee diinkii ayaa gaabiyey oo shaqadiisii si fiican u qaban waayey. Markaas waxaa xanaaqey oo carooday dawacadii.

Dawacadii waxa ay bakaylihii u sheegtay in uusan diinku shaqadiisa si fiican u qabanayn. Dawacadii waxay damacday in ay disho diinka oo ay aasto. Dawacadii hog bay ka hoos qodday geed weyn oo ku yaallay beertooda.

Goor habeen ah ayey dawacadii diinkii iyo bakaylihii wada fariisteen meel beerta ka mid ah. Iyaga oo wada fadhiya ayey dawacadii diinkii ku tiri, "Orod oo qaraha aan ku iloobay geedka weyn ee beerteenna hoostiisa ah iiga soo qaad."

Bakaylihii waa uu gartay khiyaanada ku jirta codsiga dawacada oo ah in ay disho diinka isla markaana xabaasho. Bakaylihii waxa uu ku yiri diinkii, "Haye iyo diiday midna ha dhihin. Ha tegin hadda, waayo waa madow. Berri baad u soo qaadi doontaa, iska dhaaf hadda."

Diinkii waxa uu tusay hog weyn oo dawacadu ay ka qodday geedka weyn hoostiisa.

Bakaylihii iyo diinkii waxa ay goosteen in beerta loo kala qaybsado saddex meelood oo isle'eg. Bakaylihii iyo diinkii waxa ay fikradooda u sheegeen dawacadii. Dawacadii waa ay ku raacday. Dawacadii waxa ay garatay in bakaylaha iyo diinku ay ogaadeen khiyaanadeedii. Dawacadii way ka xumaatay in la ogaado arrinta.

Diinkii iyo bakaylihii mid waliba qaybtiisii ayaa uu ka qaatay beertii. Mar dambe, dawaco, diin iyo bakayle beer ma wada yeelan. Dawacadii god ayay u qodday diinkii, laakiin kuma guuleysan.

God khiyaano ha qodin, haddii aad qodidna ha dheereyn ku dhici doontaana lama ogee.

11. Buuxi meelaha bannaan.

1. Beri baa waxa jiri jirey dawaco, …… iyo …… oo saaxiibbo ahaa.
2. Waxa ay wada lahaayeen …… weyn.
3. Waxa ay ku beeri jireen beer …… kala nooc ah.
4. Laakiin …… ayaa shaqadisii si fiican u gaban waydey oo waxa xanaaqay ……
5. Iyadu waxa ay damacday in …… diinkii.
6. Iyadu waxa ay qodday …… ku hoos yiil ……
7. Iyadu waxa ay qorshaysay in ay …… diinka
halkaan.

12. Maahmaahyo
U shaqeeya kooxo. Ka dooda macnaha maahmaahdan.
1. God khiyaano ha qodin, haddii aad qodidna ha dheereyn ku dhici doontaana lama ogee.
2. Qofkii naftiisa daryeela ayaa cid kale wax tara.
3. Bannaan marow maradiisa geed ma qabsato.
4. Oodo dhacameed sida ay u kala sarreeyaan ayaa loo kala qaadaa.
5. Hadal xumi abaar ka daran.

13. Erayo su’aaleed

Qofkee …?
Maxaa …?
Halkee …?
Goorma …?
Waayo …?
Immisa …?

Kuwani waa erayo su'aaleed. Waxa aan isticmaalnaa erayadan marka aan su'aalo is weydiinayno.

Qor shan su'aalood ee ku saabsan sheekada. Xusuusnow in aad dhigtid (?) meesha ay ku dhammaato su'aashaada. Dabadeed weydii saaxiibkaa in uu ka jawaabo su'aalahaaga.

14. Ka dhig weerooyinkan wadar.
1. Beerta waxaa leh bakayle, dawaco iyo diin.
2. Dawacadu waxa ay abuuraysaa basal.
3. Bakayluhu waxa uu cunayaa karooto.
4. Diinku waa xayawaan socod yar.
5. Dawacadu waxa ay doonaysaa in ay disho diinka.
6. Bakayluhu waa diinka saaxiibkii.

Cutubka 5.6


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.