Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 5.6

Kabo dhowr


Waxaa la yiri beri baa nin waxa uu soo gatay kabo cusub. Kabuhu waxa ay ka samaysanaayeen medeg kafee ah oo wanaagsan.
Ninku aad ayaa uu u jeclaa kabaha.
Waxa dhacday in uu ninkii maalin safar u baxay kabahiisiina uu gacanta ku qaatay.
Waxa uu gaaray heer ay dadkii ku xantaan in uu yahay nin waalan.

Markii uu cabbaar safarkii ku jirey ayaa waxa uu galay dhul dhagxaan iyo qodxuhu ku badan yihiin.

Ninkii markii uu arkay in cagahii uu dhiig ka socdo sababtoo ah qodax ayaa soo dhaafaysa kabaha. Markaa ka dib, waxa uu go'aan ku gaaray in uu socdo kabo la'aan si aanay kabuhu uga dhammaan. Halkiina waxa uu ku baxshey kabihiisii, waxa uuna bilaabay in uu safarkiisii sii wato isaga oo caga cad.

Waxa dhacday in markii uu xoogaa sii socday uu geed ku kufay, oo uu afka dhulka la galay.
Ciddidiisi suulka ayaa dillaacday.
Dhiig badan ayaa ka yimid.
Xanuun daram aya qabtay.

Ninkii oo xanuun la qaylinaya ayaa la maqlay, waxana uu yiri, "Jugtan suulkayga dillaacisay, haddii aan kabaha xirnaan lahaa sow kabaha igama goyseen. Wallee maanta sadaqo ayaa igu waajibtey, waana lay waafajiyey markii aan kabahayga gacanta ku dhigay."

Dulucda sheekedu waa: Wixii Ilaahey ku
siiyey ha ku bakhaylin.

15. Erayada wax isku xira
U dhig weerooyinkan sida ay isugu xigaan.
Ugu horrayntii, ka dib, dabadeed, taa ka dib, ugu dambayntii.

Waxa uu ku kor socday qodaxdii.
Nin ayaa soo gatay jood kabo ah.
Waxa jillaafeeyey geed xididkii.
Waxa uu ku socday dhagax korkii.
Waa uu qoslay, dabadeed Ilaahey ayaa uu u mahad celiyey.

16. Ereyo su'aaleed
Qor shan su'aalood ee ku saabsan sheekada. Xusuuso in aad dhigto su'aal waliba dhammaadkeeda calaamadda su'aasha (?). Dabadeed u sheeg saaxiibkaa in uu ka jawaabo su'aalahaaga.

17. Magacyo iyo magac-u-yaallo
Ka raadi magacyada weerooyinkan.
1. Ninkii waxa uu qaaday kabihiisii.
2. Dabadeed waxa uu isagu ku kor dhacay xidid geed dushiis.
3. Isagu waxa uu suulka ku dhufsaday xidid.
4. Iyagu waxa ay noqdeen kuwo xanuun badan.
5. Ninkii waa uu qoslay.
6. Isagu waxa uu yiri, "Waxa mahad leh Ilaahey."
7. Haddii aan wadan lahaa kabaha, iyagu waxa ay ku sugnaan lahaayeen xaalad xun.

Fiiri erayada hoos ka xarriiqan.
Waa qofkee isagu? (tirada 3)
Maxaa ay yihiin iyagu? (tirada 4)
Maxaa ay yihiin iyagu? (tirada 7)
Erayadan waxa loo yaqaan magac-u-yaallo. Waxa aan isticmaali karnaa magac-u-yaallada beddelka magaca.

18. Magac-u-yaallo
Ku beddel magac-u-yaalladan magacyada hoos ka xarriiqan.

isagu iyadu innaga iyaga

Cigaal Shiidaad waxa uu ahaa nin maad badan.
Cigaal Shiidaad waxa uu maalin arkay nayl.

Nayshu waa ay ordaysay.
Nayshu waxa ay u ciyeysay wax baqaya oo kale.

Cigaal Shiidaad waxa uu u sheegay xaaskiisii arrintii naysha.
Xaaskii Cigaal waxa ay tiri,. "Adigu waxa aad tahay nacas."

1. Horumarinta qoraalkaaga
Waxa aan isticmaalnaa magac-u-yaallo si aan u hagaajinno qoraalkeenna.
Fiiri qoraalkan gaaban. Mahagaajin kartaa adiga oo ku beddelaya magacyada magac-u-yaallo?

Cunuggii nadiifka ahaa.

Maalin waliba Sahro waxa ay nadiifisaa ilkaheeda.
Sahro waxa ay leedahay ilko cad-cad.
Maalin waliba Sahro waa ay qubaysataa.
Asbuuc waliba Sahro waxa ay jarta ciddiyaheeda.
Sahro waxa ay leedahaya ciddiyo gaagaaban oo nadiif ah.
Sahro waa ay weyseysataa marka ay tukanayso.
Sahro waa gabar aad u fiican.
Axmedne sida walaashiis oo kale ayuu yeelaa.

Cutubka 5.7


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.