Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 5.7

Wadajir


Waxa jiri jiray nin caqli badan. Ninku waxa uu maalin maalmaha ka mid ah tegey tuulo nin beeraley ahi ku noolaa, waxana uu weydiistay cunto uu cuno.

Laakiin ninkii beeraleyda ahaa waxa uu u sheegey ninkii martida ahaa in uusan waxba u heli karin, sababta oo ah beertiisii weyneyd qalab uu ku fasho ee uu wax uga soo saaro ma uusan haysan.

Ninkii martida ahaa waa uu ka tegey ninkii beeraleyda ahaa oo waxa uu u tegey nin kale oo deris la ahaa oo xoolo dhan dibi ka haystey. Sidii ninkii hore ayaa uu cunto weydiistey laakiin dibilihii waxa uu u sheegay in uu xoolo ka leeyahay dibi oo uusan awoodi karin in uu marti qaado.

Ninkii martida ahaa waxa uu ka tegay dibilihii, waxana uu u tegey nin yaanbo beeraha lagu fasho haysta oo isaga naftiisa u baahan kaalmo.

Ninkii martida ahaa markii uu arkay xaaladaha dhaqaale ee saddexdii nin ayaa uu isugu yeeray oo uu ku yiri, "Waxa aad haysataan isu keena si aad u soo saartaan tacab aad ku noolaatan."

Intaa ka dib, saddexdii nin waxa ay isku raaceen in ay dibiga yaanbadii ku xiraan oo beertii sidaas ku fashaan si ay cunto uga soo saartaan.

Wadajir ayaa ilko wax ku gooyaan.

2. Uga jawaab su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Maxaa uu haysatey beeralihii ugu horreeyey ee uu ninku la kulmay?
2. Maxaa uu u baahnaa si uu beer u fasho?
3. Maxaa uu haystey beeraalihii labaad?
4. Maxaa uu u baahnaa si uu beer u fasho?
5. Maxaa uu hastey beeraalihii saddexaad?
6. Maxaa uu u baahnaa si uu beer u faso?
7. Maxaa ay sheekadani ina baraysaa? Shan sadar ka qor.

3. Qoraal qorid
Beeraalihii ugu horreeyey waxa uu u qoray qoraal gaaban beeraalihii saddexaad. Fiiri waxa uu u qoray.

Walaal Aadan,

Waxa aan leeyahay beer weyn, laakiin ma aan haysti qalabka beeraha. Maxaa aan u wada shaqaysan weynay?

Yuusuf
Qoraalkan waa kii uu Aadan ugu jawaabay Yuusuf.

Walaal Yusuf,

Waa aad mahadsan tahay qoraalkii aad ii soo qortay. Waxa aan leeyahay qalab beereed badan. Waxa aan jeclahay in aan kula shaqaysto,

Aadan

Maxaa aad u malaynaysaa beeraalihii saddexaad, Aadan in uu u qoray beeraalihii labaad ee ahaa Cusmaan?

Fiiri qoraalka ay Caasho u qortay saaxiibteed.

Abaayo Maryan,

Waxa ay hooyaday samaynaysaa maanta macmacaan. Fadlan isku day in aad timaado gurigayaga marka uu waqtiga dugsigu kuu dhammaado ka dib.
Waalidkaa u sheeg in aad noo imaan doonto.

Caasho
U qor waraaq saaxiibbadaa. Ku marti qaad iyaga in ay wax qabtaan.

Dabadeed ka jawaab warqadda saaxiibaddaa ama saaxiibkaa.

4. Maahmaahyo

U shaqeeya kooxo. Ka wada dooda macnaha maahmaahdan. Macallinka ayaa gacan idin sii doona.

1. Ilko wadajir bay wax ku gooyaan.
2. Beeni raad ma leh.
3. Qun yar socode qodaxi ma muddo.
4. Hadal haan ma buuxsho.
5. Cimri tegey ceeb laguma sagootiyo. Sheekadee baad ugu jeceshahay cutubkan? Sababtee baad ku jeceshahay?

Cutubka 6.1


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.