Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 6.1

Libaax iyo jiir


U shaqeeya kooxo saddex-saddex ah. Mid idinka mid ah waa jiir, midna waa libaax, kan kalena waa weriye

Ma ogtahay libaax barqo seexday iyo jiir ku kor socday oo iska war la' wixii kala qabsaday. Libaaxu had iyo goor marka xaaladdiisu ay tahay caadi ee uu dheregsan yahay waxa uu jecelyahay in uu barqo seexdo.

Weriye: Libaax ku noolaa meel kayn ah, ayaa goor barqo ah geed har qabow hoos seexday. Libaaxii oo hurdo ku jira ayaa waxa ku soo baxay jiir socda oo iska war la'. Jiirkii waxa uu socdaba libaaxii ayaa uu madaxa ka fuulay isaga oo doonaya in uu dhanka kale uga sii gudbo. Libaaxu waa wax aad u feejigane isla markiiba inta uu kacay ayaa uu qabtay jiirkii.
Libaaxii: Sidee baad hurdada iiga kicin kartaa?
Jiirkii: Anigu ma doonayn in aan hurdada kaa kiciyo, waase iga noqotay ee iga raalli ahow.
Libaaxii: Sow ma ogid in aan ku dili karo hadda oo aad gacantayda ku jirto?

Jiirkii: Waxa aan kaa baryayaa in aad i nabad geliso markan.
Libaaxii: Oo haddii aan ku daayo ma kolbaad wax taraysey? Sow ma ogid in aan kugu burburin karo daqiiqado dhexdood?"
Jiirkii: Haddii aad Maanta i dayso mar uun baan kuu abaal gudi doonaa.
Libaaxii: Inta uu hadalkii jiirka ku qoslay ayaa uu yiri, Anigu waan ku daynayaa, hase yeeshee ilama aha in aad ii abaal gudi kartide, orod oo hortayda ka tag."
Weriye: Dhowr maalmood ka dib ayaa libaaxii ku dhacay dabin loo dhigay. Markaas ayuu ciyey oo raftay kuna dadaalay in uu dabinka ka baxo, laakiin xooggiisii iyo dadaalkiisii waxba uma tarin.
Jiirkii: Ha murugoon aniga ayaa kaa saari doona dabinka.
Weriye: Jiirkii waxa uu bilaabay in uu ilkihiisii afka badnaa ku jarjaro dabinkii xarigga ka samaysnaa. Muddo yar ka dibna libaaxii waa uu ka baxay dabinkii. Libaaxii waa uu farxay.

Libaaxii: Waa uu u mahad celiyey jiirkii ka saaray dhibaatadii qabsatay. Waxana u yiri, "Uma malayn jirin in bahal yar oo adoo kale ahi uu waxtar leeyahay."
Jiirkii: Waxa uu ugu jawaabey, ''Ku tala gal, hadda ka dib in bahallada yar-yari ay caawini karaan una abaal gudi karaan kuwa waaweyn."

Bahal waliba ee Alle abuuray waxtar buu leeyahay.

1. Uga jawaab su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Sidee buu libaaxu ku qabtay jiirkii?
2. Maxaa uu u sii daayey jiirkii?
3. Maxaa uu libaaxu ugu qoslay jiirkii?
4. Maxaa ku dhacay libaaxii maalmo yar ka dabadeed?
5. Sidee buu jiirkii u caawiyey libaaxii?
6. Maxaa uu libaaxu ugu maleeyey in uusan jiirku waxba tarayn?

2. Buuxi meelaha bannaan.
Dhowr maalmood ka dib ayaa libaaxii ku dhacay …… loo ……
Jirkii waxa uu …… in uu ku jaro …… afka badnaa.
Muddo yar …… libaaxii waxa uu ka …… baxay dabinkii.
Libaaxii waxa uu yiri, "Uma …… in …… yar
oo adoo kale ahi uu …… leeyahay."
Jiirkii waxa uu ugu jawaabay, "Ku tala gal, hadda ka dib in …… ay abaal …… karaan kuwa
waaweyn."

3. U dhig erayadan sida ay isugu xigaan.
I. Libaaxii waxa uu jiirkii dilo ka baqayey waxa uu
2. Waxa uu dabin libaaxii ku dhacay
3. Waxa uu jiirkii libaaxii badbaadiyey
4. Madaxii waxa uu uga booday libaaxii jiirkii

4. Jila sheekadan.
U shaqeeya kooxo saddex-saddex ah. Mid waxa uu noqonayaa wariye. Midka kale waa libaax. Kan kalena waa jiir.

5. Magac-u-yaallo
Fiiri qoraalkan gaaban. Ma hagaajin kartaa adiga oo isticmaalaya magac-u-yaallo.
Jiirkii waxa uu ku dhacay libaaxii madaxiisii. Jiirkii ayaa aad u baqay.
Libaaxii waxa uu eegay jiirkii.
Libaaxii waxa uu furay afkiisii, waa ciyey. Jiirkii waxa uu arki karey libaaxii ilkihiisii.
Libaaxii ilkihiisa waxa ay u ekaayeen kuwo af leh.

6. U shaqeeya koox-koox. Ka dooda su'aalahaan.

1. Sheeg waqti uu qof ku caawiyey. Maxaa aad dareentay?
2. Sheeg waqti aad qof caawisey. Maxaa aad dareentay?
3. Maxaa aad ka qabtaa in dadka kale la caawiyo?

7. Qor sheeko.
Qor sheeko ku saabsan mar uu qof ku caawiyey.

Cutubka 6.2


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.