Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 6.2


Libaaxyo


Maxaa aad ka taqaan libaaxyada?
Akhri qoraalkan kana raadi jawaabaha su'aalaha soo socda.
1. Maxaa aan ugu yeernaa koox libaaxyo ah?
2. Maxaa ay cunaan libaaxyadu?
3. Immisa hilib ah ayaa uu cuni karaa libaaxu?
4. Maxaa ay sameeyaan libaaxyadu inta badan maalintii?

* * *


Kuwani waa libaaxyo.
Waxa ay ku nool yihiin inta badan dhulka siman.
Ma jecla dhulka kaymaha ah.
Raxan waliba waxa ay leedahay meel u gaar ah.
Raxantaasi waxa ay la dagaallantaa ciddii soo gasha aaggooda.

Libaaxa labka ahi waxa uu leeyahay dhogor badan.
Waxa aan ugu yeernaa dhogortaas baar.
Libaaxa dheddigga ahi waa uu ka yar yahay ka labka ah.
Libaaxa dheddigga ahi waxaa loogu yeeraa gool.


Libaaxyadu waxa ay ugaarsadaan xayawaanka kale.
Goosha ayaa inta badan samaysa ugaarsiga xayawaanka.
Waxa ay dili karaan dameer-farowga, baciidka iyo lo' gisiga.
Libaaxyadu aalaa midkiiba waxa ay cuni karaan 10 kiilo oo hilib ah maalin waliba.
Laakiin libaaxa labka ahi waxa uu cuni karaa hal mar 40 kiilo oo hilib ah.
Libaaxyadu waxa ay meel hoos ah ku nastaan 16–20 saacadood maalintii.

* * *

Maxaa aad ka baratay taariikhda libaaxyada?
Dhammaystir weerooyinkan.
Waxa aan mar hore ogaa ……
Waxa aan ogaaday …….
Sida oo kale waxa aan ogaaday ……
Shayga iigu xiiso badan ee aan ka barto libaaxa waa ……

* * *

Erayo cuscusub

aag -ga område, omgivning, grannskap
aalaa vanligtvis, ofta
baar -ka man (lejonhanens hår runt huvudet)
baciid -ka oryx [typ av antilop]
cid -da folk, person, familj, klan
la dagaallamaa, -llantaa strider med
dameer-farow -ga zebra
dhogor -ta päls
gool -sha lejonhona
hal mar på en gång
iigu < i + u + ugu för mig + superlativ
lo’ gisi -da [kollektiv form] bufflar & vildkor
lo’ gisi -ga (weyn) buffel
lo’ gisi -ga (yar) vildko
midkiiba var och en (av dem)
nastaa, nasataa vilar
og yahay vet, är medveten
ogaa < og -aa visste, var medveten
ogaadaa får veta ngt
raxan -ta flock
siman plan, slät, jämn, vidsträckt (dhulka siman= savann?)
taariikh -da historia
ugaarsi -ga jakt
ugaarsadaa, -sataa jagar
xiiso badan intressant
ugu yeeraa kallar ngn/ngt för ngt

Cutubka 6.3


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.