Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 6.4


Qayb libaax

Inta aadan akhrin ka hor.
Fiiri cinwaanka sheekada. Maxaa loola jeedaa qaybsi?
Ma u malaynaysaa in uu libaaxu doonayey in cuntada lala qaybsado?
Maxaa aad u malaynaysaa in uu noqon doono habka wax loo wada qaybsanayo?

* * *

Akhri sheekadan oo fiiri in ay fikraddaadu sax ahayd iyo in kale.

Waxa la yiri beri baa habar-dugaag afarta jiho isaga timid oo ku soo shireen raq dusheed.

Dabadeed dhammaan dugaaggii oo shir u fadhiya ayaa libaax oo ah boqorka kaymaha shirkii ka dhex kacay. Cabbaar ayaa uu kolba hareeraha dayey oo hamaansaday.

Markii dambe ayaa uu waraabe dhegta soo qabtay. Waxaa uu ku yiri, "Cumarow hilibka habar-dugaag u qaybi."

Waraabihii oo baqaya hilibkana hunguri ka hayo ayaa yiri, "Hilibka qaybna libaaxa ayaa iska leh qaybta kalena habar-dugaag."

Hadalkii oo aan afkiisa ka dhammaan ayaa libaaxii dharbaaxo la yaqaan ku dhuftay oo waraabihii il ka soo tuuray. Waraabe oo ishii ka laalaado ayaa meeshii ka luuday oo meel iska fariistey.

Libaax oo weli caraysan ayaa dawaco isa soo taagtey shirka dhexdiisii. Libaaxii waxa uu ku yiri, "Bal dawaco adna in aad dhaanto isku day."

Dawaco oo arkeysey wixii goobta ka dhacay ayaa qosol la dhacday oo tiri, "Hilibka qayb libaaxaa leh."

Libaax baa soo boodey oo yiri, "Qaybta kalena?"

Dawacadii markiiba waxa ku jawaabtay, "Qaybta kale waax libaaxaa leh. Waaxda soo hartay fallar boqorkaa iska leh. Fallarka soo haray rimic libaaxaa leh. Rimica kale miil libaaxaa leh. Miilka soo haray habar-dugaag ha qaybsato," ayey ku dhammaysay.

Libaaxii oo dhoosha ka qoslaya ayaa dawacadii weydiiyey, "Dayoy yaa ku baray qaybta?"

Waxa ay ku jawaabtay, "Isha cumarow ka lulata ayaa i bartay."


Uga jawaab su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Maxaa ay habar-dugaag oo dhan u soo shirtey?
2. Waraabe sidee baa uu hilibkii u qaybshey?
3. Maxaa ku dhacay waraabe?
4. Sidee bay dawacadii u qaybisay hilibkii?
5. Dawaco yaa qaybta baray?
6. Maxaa libaaxa loo yiraahdaa boqorkii kaynta?


Isku aaddi erayada iyo tirada ka dambaysa.


Magacyo iyo falal
Guuri weerooyinkan.
Hoos ka xarriiq magacyada.
Goobo geli falalka ku jira.
1. Libaaxii waxa uu dharbaaxay waraabihii.
2. Waraabihii waxa uu beelay il.
3. Xayawaanka kale waxa ay fiirinayeen libaaxii.
4. Dawacadii ayaa hilibkii u qaybisay si uu taxaddar ku jiro.
5. Libaaxii waxa uu u dhoolla-caddeeyey dawacadii.


* * *

Erayo cuscusub

adna pron. och du
beelaa förlorar
cabbaar -ka en stund
caraysan arg
cinwaan -ka rubrik
dayaa tittar på ngt
isku dayaa försöker
dayo -da schakal
dhaanto du blir bättre
dhacaa händer, inträffar
dharbaaxaa tr slår, ger stryk
dharbaaxo -da slag, smäll, stryk, örfil
dhool -ka framtand
dhool ka qoslaa drar på munnen, ler
dhool -sha koll. framtänder
dhoollo caddeeyaa visa sina tänder, le
dhuftaa -ataa slår plötsligt snabbt
fallar -ka 1/8
fikrad -da tanke, idé
goob -ta cirkel, ställe, plats
hab -ka sätt, ordning, metod, system
habar-dugaag -ga koll. vilda djur
hamaansadaa gäspar
haraa återstår, blir över
hareero -ha pl.tant. omgivning, runt om
hayaa håller
hunguri hals
ula jeedaa tr. avse ngt med ngt, mena ngt med ngt (visa till ngt med ngt)
Maxaa loola jeedaa qaybsi? Vad menar man med delning?
jiho -da riktning, håll
kacaa reser sig
kolba adverb även om, trots att, varje gång, alltid
laalaadaa hänger ner
lushaa, lulata vacklar, svänger fram och tillbaka, gungar
luudaa haltar, vacklar
maleeyaa tror
markiiba snabbt genast
miil 1/32
qayb liibaax lejonpart
qaybsadaa -ataa delar, fördelar
raq -da 1. plats med rester efter uppätet bytesdjur 2. kadaver
rimic 1/16
shir -ka möte
tuuraa kastar, slänger
waax -da 1/4
la yaqaan som man känner till, vanlig

Cutubka 6.5


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.