Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 6.5

Saddex dibi iyo libaax


Inta aadan akhrin ka hor.
Ma u malaynaysaa in libaaxu yahay xayawaan khatar ah?
Fiiri cinwaanka sheekada. Maxaa aad u malaynaysaa in ay ku dhici doonaan dibiyada markii ay la kulmaan libaaxa ka dib?

Hadda akhri sheekada oo fiiri in aad saxan tahay iyo in kale.
U shaqeeya kooxo shan-shan ah. Mid waa libaax, mid waa dibi cadde, mid waa dibi guduudow, midna waa dibi madoobe, midna waa weriye.


Weriye: Saddex dibi ayaa waxa ay ku noolaan jireen meel kayn ah oo aan cid kale joogin. Saddexda dibi mid waa uu caddaa, midna waa uu madoobaa, kan kalena waa uu guduudnaa.

Waxa ay kayntooda cawska leh daaqaanba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ku soo biiray libaax aar ah oo saaxiib la noqday saddexdii dibi. Waxa ay ku heshiiyeen in ay cidlada iska weheshadaan.


Maalmo ka dib ayaa dibigii caddaa oo daaq ku maqan, libaaxii la hadlay labadii dibi ee kale.


Libaax: Maanta waxa aan doonayaa in aan idiin sheego arrin inoo gaar ah.

Dibi guduud: Waan ka wada hadli karnaa wixii danteenna ah ee soo wad.

Dibi madoobe: Waa sidaas ee wad.

Libaax: Meesha aynu joognaa waa kayn cidla ah in aan feejignaanno ayaa loo baahan yahay, dibiga cadna midabkiisa ayaa la inagu soo raacayaa, marka aan iska erinno.

Dibi guduud: Runtii waa arrin gar ah, waana sida aad sheegtay. Waa in aan ka feejignaanaa. Marka waa in aan erinnaa.

Dibi madoobe: Mar haddii aad isku raacdeen waa in aan erinno wax dood ahi kama jirto.

Weriye: Dibigii caddaa ayaa la eryey. Maalmo ka dibna libaaxii ayaa cidla ka helay oo cunay.


Weriye: Muddo ka dib ayaa uu Libaaxii la faqay dibigii guduudnaa.


Libaax: Waxa uu ku yiri, "War dibigan madoobi maalintii ayaa uu dhalaalayaa ee aan iska erinno."

Dibi guduud: Waa runtaa weliba aad ayaa uu u dhalaalayaa ee aan dhakhso isaga erinno.

Weriye: Sidii dibigii caddaa loo eryey ayaa dibigii madoobaana loo eryey. Libaaxii ayaa isna cidla ka helay oo cunay.


Weriye: Maxaa soo haray? Waxa soo haray dibigii guduudnaa. Maxaa ku dhacay? Markii uu keligii soo haray ayaa la cunay.

Dibigii guduudnaa ee quruxda badnaa kolkii naftu ka sii baxaysey oo hilibkiisii libaaxu raamsanayo:
Dibi guduud: Waxa uu yiri, "Maanta ma aan dhimmane waxa aan dhintay maalintii la cunay ee uu dhintay dibigii caddaa."

Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan

Uga jawaab su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Maxaa ay kala ahaayeen saddexda xayawaan ee ku wada noolaa kaynta?
2. Midabbadee ayaa ay kala lahaayeen dibiyada?
3. Yaa ugu yimid kaynta?
4. Maxaa ay ku heshiiyeen?
5. Ma u malaynaysaa in uu libaaxu lahaa qorshe markii hore ee uu dibiyada u imaanayey?
6. Qorshihii libaaxu ma u hirgalay?
7. Maxaa ay tahay sheekadan dulucdeeda?
8. Dibigii guduudnaa maxaa ugu dambayntii ku dhacay?

Erayo
Adiga oo isticmaalaya erayadan sheekada ku jira buuxi meelaha bannaan.
oggolow, waaniyo, cadow, iftaa, sir, daran

1. Qorraxdu waxa ay u …… si aad u ……
2. Qofna ha u sheegin. Tani waa arrin …… ah.
3. Fadlan iga …… hadiyaddan.
4. Waxa aan doonayaa in aan ku ……
Ha aadin magaaladaas.
5. Ninkaasi waa …… rabey in uu ku dilo.

Jila sheekada.
U shaqeeya kooxo shan-shan ah. Mid waa weriye, midna waa libaax, saddexda kalena waa dibiyo. Jila sheekada.

Xiriiriye - iyo
Dibi guduud waxa uu ku noolaa kaynta.
Dibi madoobe waxa uu ku noolaa kaynta.


Labadan weerood ee gaagaaban waxa aan ka dhigi karnaa weero dheer.
Dibi guduud iyo dibi madoobe waxa ay ku noolaayeen kaynta.

Iyo waa xiriiriye. Waxa aan u isticmaali karnaa in aan iskula xirno laba weerood.

Isku xir weerooyinkan. Isticmaal iyo.

1. Libaaxii waxa uu doonayey in uu cuno dibiga cad.
Libaaxii waxa uu doonayey in uu cuno dibiga madow.

2. Libaaxii waxa uu la hadlay dibigii guduudnaa.
Libaaxii waxa uu la hadlay dibigii madoobaa.

3. Libaaxii waxa uu dilay dibigii caddaa.
Libaaxii waxa uu dilay dibigii madoobaa.

4. Walaalkay waxa uu dugsiga u qaataa shaati buluug ah.
Walaalkay waxa uu dugsiga u qaataa surwaal madow.

5. Waxa aan jeclahay in aan ciyaaro kubbadda cagta.
Waxa aan jeclahay in aan ciyaaro kubbadda kolayga.

Hal-xiraale yaal
Ku hor qor calaamadda saxa (√) jawaabta saxa ah ee hal-xiraalaha. Ku qor buuggaaga layliga.

1. Waxa aan cunaa hilibka. Waxa la iigu yeeraa boqorka xayawaanka.
• Waxa aan ahay waraabe.
• Waxa aan ahay maroodi.
• Waxa aan ahay libaax.

2. Waxa aan ifaa habeenkii. Dadku waa uu soomaa marka ay i arkaan. Waxana ay afuraan marka aan dhaco.
• Waxa aan ahayn bisha Safar.
• Waxa aan ahay bisha Muxarram.
• Waxa aan ahay bisha Ramadaan.

3. Waxa aan leeyahay afar lugood. Waxa aan ag joogaa dadka. Waxa aan jeclahay hilibka.
• Waxa aan ahay bisad.
• Waxa aan ahay daanyeer.
• Waxa aan ahay gabar.

4. Waxa aan leeyahay xoog. Waxa aan qaadaa dadka. Dadka intooda badan waxa ay iga dhiibaan lacag ijaar ah.
• Waxa aan ahay baabuur.
• Waxa aan ahay geed.
• Waxa aan ahay buug.

5. Afka ayaan kuugu jiraa. Wax baad igu qaniintaa. Midabkeygu waa caddaan.
• Waxa aan ahay carrab.
• Waxa aan ahay ilig.
• Waxa aan ahay mindi.

Sheekadee baad ugu jeceshahay cutubkan? Maxaa aad u jeceshahay?


* * *

Erayo cuscusub

aar -ka lejonhane
aar ah modig, orädd
afuraa bryter fastan efter solnedgången under Ramadan
arrin -ta händelse, sak, angelägenhet
ku biiraa blir medlem i ngt, går med i ngt, ansluter sig till ngt
cad (caddaa) vit (var vit)
cadow -ga fiende
cid -da folk, någon
cid kale någon annan
cidlo -da ödsligt område
daaq -a bete
daaqaa betar
dan -ta mål, syfte, avsikt
daran dålig
dhakhso snabbt
dhalaalaa skiner, blänker
dhiibaa överlämnar, betalar
dood dikussion
duluc -da syfte, avsikt, poäng
eryaa, eridaa jagar bort
fadlan var snäll och... (hövlighetsord vid uppmaning)
faqaa talar i hemlighet, talar mellan fyra ögon
feejignaadaa är försiktig, uppmärksam
gaar ah särskild, speciell
gooyaa skördar
guduud röd
guduudan röd
hadiyad -da present, gåva
hal-xiraale -ha gåta, rebus, korsord
haraa blir kvar, återstår
soo haraa återstår
heshiiyaa är sams, överens
ku heshiiyaa kommer överens om något
hirgalaa förverkliga, genomföra
ifaa lyser (upp), skiner
ijaar -ka hyra
jilaa spela teater, uppför, dramatiserar
ku jiraa deltar
kubbadda kolayga basket
madow (madoobaa) svart (var svart)
maqan saknad, frånvarande, borta
muddo -da period, tidsintervall
oggol villig, accepterande
oggolaadaa, oggolaataa, imp. oggolow accepterar, tillåter
qaniintaa bita
qorshe -ha plan, program, strategi
raamsadaa/raabsadaa, raamsataa tuggar, idisslar
sir -ta hemlighet
waaniyaa föreslår, rekommenderar, råder
wad -ka död
wadajir tillsammans, gemensamt
wehel -ka 1. följeslagare, kompis 2. sällskap
weheshadaa ta med ngn som sällskap
isku xiraa knyter samman, binder ihop
xiriiriye -ha konjunktion

Cutubka 7.1


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.