Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 7.1

Baqlo


Waxa aan u isticmaalnaa gaadiid ahaan basaska, baabuurta, awrta, fardaha, baqlaha, dibida iyo dameeraha.

Meelaha qaar sida Marka iyo agagaarkeeda waxa ay dadku isticmaalaan dibi.

* * *



Baqluhu waxa ay ka mid yihiin gaadiidka la rarto ama la fuulo. Baqlaha waxaa iska dhalay dameero iyo fardo.
Laakiin baqluhu wax ma dhalaan oo sida xoolaha kale uma bataan. Ilaahey ayaa u abuuray sidaas. Waxa ay ka mid yihiin xoolaha mucjisooyinka ah ee Ilaahey abuuray.

Baqluhu waa xayawaan xoog badan oo alaab badan qaadi kara marka loo eego dameeraha. Hase-ahaatee, waa in loo naxariistaa baqlaha iyo xoolaha kaleba. Waxa ay leeyihiin naftaada oo kale. Waa in aan la dilin ama wax culus la saarin.

Buuxi meelaha bannaan.
1. Baqlaha waxa aabbe u ah ……
2. Baqlaha waxa hooyo u ah ……
3. Baqluhu waxa aad u …… sida xayawaanka.
4. Waxa aan u isticmaalnaa …… culus.

Xiriiriyayaal - Laakiin
Baqashu waa xayawaan waxtar badan. Baqashu ma dhasho.

Waxa aan ka dhigi karnaa labadan weero oo gaagaaban mid dheer.

Baqashu waa xayawaan waxtar badan, laakiin ma dhasho.

Laakiin waa xiriiriye. Waxa aan u isticmaalnaa in aan iskula xirno laba weero.

Waxa aan isticmaali karnaa marka weerta labaad ay leedahay wax ka duwan weerta kowaad.

Isku xir weerahan. Isticmaal laakiin.
1. Baqasha aabbaheed waa dameer.
Hooyadeed waa geenyo.

2. Jaamac waxa uu haystaa cunto.
Ma doonayo in uu siiyo Cusmaan iyo Cabdi.

3. Hadda Cusmaan waxa uu noo sheegayaa runta.
cid rumaysan ma jirto.

4. Maanta waxaa jirta qorrax.
Waxaa dhici karta in uu roob da'o.

5. Macallinkaygii waxa uu i siiyey layli ah shaqo guri.
Waxa aan iloobey in aan sameeyo.

6. Waxa aan doonayaa in aan iibsado macmacaan.
Ma haysto wax lacag ah.


* * *

Erayo cuscusub

abuuraa skapar
agagaar -ka omgivning
alaab -ta koll. saker, material
baqal, baqasha pl. mulåsna
bataan ???
cid -da person, någon
faras -ka pl. fardo -ha / farso -ha häst
gaadiid-ka transportmedel, färdmedel
geenyo -da sto, märr
hase-ahaatee fastän
illoobaa, illowdaa jag, du glömmer
Marka f. hamnstad i södra Somalia
mucjiso -da underverk, mirakel
raraa lastar
rartaa, rarataa lastar (åt sig själv)
rumaystaa tror
waxtar -ka nytta, användbarhet

Cutubka 7.2


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.