Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 7.2

Baqashii iyo cusbadii


Maalin waliba Faarax waxa uu u wadi jirey baqashiisa badda si uu ugu soo qaado cusbo. Faarax waxa uu dul saaray baqashii jawaanno cusbo ah. Intaa ka dib waxa ay ku soo noqdeen tuuladii.

Hortooda waxa ahaa webi yar oo ay dhex mari jireen. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa baqashii ku dhex kuftay webigii yaraa. Markii ay kuftay jawaannadii waxa ay ku dhaceen biyihii.

Maxaa ku dhacay markii ay cusbadii qoyday?

Cusbada inteedii badnayd waxa ay raacday biyihii webiga. Jawaannadii waxa ay noqdeen fudayd.

Baqashu waxa ay ahayd mid caqli badan. Laga bilaabo waqtigaas maalin waliba baqashii waxa ay isku ridi jirtey biyaha webiga si cusbadu uga fududaato.

Faarax kuma uusan farxin arrintaas. Laakiin waxa uu helay fikrad.

Maalintii ku xigtay waxa uu saaray baqashii jawaan ciid ah.

Maxaa ku dhacaya ciidda marka ay qoydo?

Markii baqashii ay gashay biyihii ayaa ciiddii waxa ay noqotay mid culus.

Baqashii masaakiinta ahayd waa halgantay si ay uga baxdo biyaha. Jawaankii biyuhu culayska ka dhigeen ayaa mar waliba hoos u celinayey baqashii.

Ugu dambayn Faarax ayaa bixiyey baqashii. Baqashii mar dambe iskuma ridin biyihii.

Qor jawaabta saxa ah.
1. Xaggee buu ku noolaa Faarax?
b) magaalo
t) tuulo
j) beer

2. Maxaa uu u aadey badda?
b) in uu ku dabaasho
t) in uu qabsado kalluun
j) in uu ka helo cusbo

3. Maxaa ay baqashu qaadi jirtey maalin waliba?
b) jawaan cusbo ah
t) jawaan ciid ah
j) jawaan bur ah

4. Maxaa ku dhacay jawaankii cusbada ahaa markii uu qoyey?
b) Waxa uu noqday culays.
t) Waxa uu noqday jileec.
j) Waxa uu noqday fudeyd.

5. Sidee buu u khatalay Faarax baqashii?
b) Cusbo ayaa uu ku shubay jawaankii.
t) Ciid ayuu ku shubay jawaankii.
j) Dhagxaan ayaa uu ku shubay jawaankii.

Erayo labo dhawaaq leh.
Fiiri erayadan. Waxa ay leeyihiin labo dhawaaq.
baqal = ba/qal
faras = fa/ras

Guuri erayadan.
U qaybi labo dhawaaq.
daba, xurbin, bare, guri, nacnac, gabar, qalin, tuke, orgi, dhagax, olol, xiddig, fure, jilib, kubbad, dhabar, dibi, ayax

Maahmaahyo
Macnee maahmaahdan? Macallinka la kaasho.
1. Aqal tiir la'aan ma dhismo.
2. Hadal waayeel waa guud mar.
3. Nimaan Ilaahay ahayni ushu way ka dhacdaa.
4. Xaal Allaa og xaajana ninkii galay.
5. Nin madax ah ma lur yara.


* * *

Erayo cuscusub

bixiyaa får ut ngn, får upp ngn, får ngn att ge sig av
caqli -ga sinne, intelligens, förstånd
celiyaa för tillbaka, drar tillbaka, tar tillbaka, lämnar tillbaka, stoppar, hindrar
ciid -da sand, jord
culays -ka vikt, tyngd
dabaashaa, dabaalataa simmar
ka dhigaa gör, åstadkommer, skapar
ku farxaa gläder sig åt ngt
fikrad -da tanke, idé
fudayd -ka lätthet
fududaadaa blir lättare
halganaa kämpar
hoos ner, nere
inta badan huvudsakligen, till stor del
jileec -a mjukhet
la kaashadaa tar hjälp av ngn
khatalaa lurar
kufaa faller, ramlar
lur -ta problem, besvär, irritation
masaakiin -ta koll. stackare
qoyaa blir blöt
isku ridaa doppar sig själv
shubaa häller
tiir -ka stock, påle, pelare
tuulo -da by, ort
waayeel -ka äldre person, gamla personer
xaaji -ga muslim som varit på vallfärd till Mecka
xaal -ka = xaalad -da kompensation, skadestånd

Cutubka 7.3


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.