Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 7.3

Ilaahey waa naxariistaa


Ilaahey waxa uu dadka faray in ay isu naxariistaan.

Rasuulkeennii Muxammed ahaa (NNKH) waxa uu yiri, "Addoomaha dhulka jooga ha isu naxariisteen si iyagana looga naxariisto samada." Taa macnaheedu waxa weeye qofkii u naxariista dadka, Ilaahey waa u naxariistaa. Sidaa darteed waxaa wanaagsan in dadka Iiita iyo xoolaha aan dhaqanno aan u naxariisanno.


Haddii qoyskiinnu dameer leeyahay oo lagu shaqeeyo waa in aan la dilin ee cunto la siiyaa markii uu baahdo. Waa in meel duggaal ah lagu xiraa. Waa in aan la saarin alaab uusan qaadi karin.

U shaqeeya kooxo.
Ka dooda su'aalahan.
1. Sheeg dadka u baahan in loo kaalmeeyo?
2. Ma fiican tahay in la garaaco xoolaha?
3. Weligaa ma aragtay dad dilaya dameeraha ama xoolaha kale?
4. Haddii ay xoolo gurigiinna joogi lahaayeen, xaggee baad ku xiri lahayd?
5. Haddii aad ogaatid wiil deriskaaga ah oo xoolaha dila maxaa aad dhihi lahayd?
6. Si aad u xannaanaysid xoolaha maxaa aad samayn lahayd?


* * *

Erayo cuscusub

addoon -ka slav
baahdaa, baahataa är i behov, är hungrig
dhaqdaa, dhaqataa föder upp
duggaal-ka skydd
faraa sänder ett budskap
ha isu naxariisteen må de vara snälla mot varandra
kaalmeeyaa hjälper
liita som är fattig, svag
u naxariistaa är snäll mot ngn
samo -da snällhet, goda gärningar
xannaaneeyaa tar hand om, sköter om

Cutubka 7.4


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.