Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 7.4

Labka geela


Geelu waa xoolo ay Soomaalidu aad u jeceshahay.
Geelu waxa uu leeyahay faa'iidooyin fara badan.


Geelu waxa uu ka mid yahay gaadiidka Soomaalidu isticmaasho.
Geela waxa loo isticmaalaa gaadiid, gaar ahaan nooca labka ah ee loo yaqaan awrta.

Meelaha baabuurtu aysan mari karin waxa loo isticmaalaa awrta.
Awrta waxaa lagu qaadaa alaabta qoyska reer miyiga ah markii ay guurayaan.

Alaabta ka sokow waxaa lagu qaadaa awrta carruurta yar-yar iyo maqasha.



Si arrintaasi ay u suuro gasho ayaa waxa lagu habeeyaa ratiga filqaha iyo dhigaha aqalka.

Awrtu waxa ay qaadi kartaa culays badan.
Ratiga marka la fariisinayo iyo marka la kicinayo waxaa la isticmaalaa erayo sida tug iyo ho'.

Dheh run ama been.
1. Geelu waa xoolo Soomaalidu dhaqato.
2. Geelu waa xoolo aan waxtar lahayn.
3. Awrta waa la rartaa.
4. Lama-degaanka mariddiisa waxa ku fiican baabuurta.
5. Awrta waxa la saaraa carruurta iyo maqasha.

Weerahan ka dhig wadar.
1. Reer guuraagu waxa uu ku raraa aqalkiisa awrta.
2. Sida oo kale waxa uu saaraa cunuggiisa awrta.
3. Ratigu waxa uu qaadi karaa wax culus.
4. Dameerku waxa uu qaadi karaa wax fudud.
5. Dibigu waxa uu fali karaa beer.

Xiriiriye - ama.

Ratigu waxa uu qaadi karaa waxaraha.
Ratigu waxa uu qaadi karaa naylaha.

Labadan weero waxa aan ka dhigi karnaa hal weer.

Tusaale:
Ratigu waxa uu qaadi karaa waxaro ama naylo.

Ama waa xiriiriye. Waxa aan u isticmaali karnaa in aan iskula xirno laba weerood. Waxa aan isticmaalnaa ama markii shay wax ka badan ay suuragal yihiin.

Isku xir weerooyinkan, isticmaal ama.

1. Dadku waxa ay gaadiid u isticmaalaan awrta.
Dadku waxa ay gaadiid u isticmaalaan dameeraha.

2. Reer guuraagu waxa ay saaraan carruurta awrta.
Reer guuraagu waxa ay saaraan waxaraha awrta.

3. Ma doonaysaa in aad maanta ciyaartid kubbadda cagta.
Ma doonaysaa in aad maanta ciyaartid kubbadda kolayga.

4. Imtixaanku ma Maajaa ?
Imtixaanku ma Juun baa?

5. Waxa aan doonayaa in aan noqdo takhtar. Waxa aan doonayaa in aan noqdo macallin marka aan dhammaysto waxbarashada dugsiga sare.

Hamsa
Akhri erayadan hamsada leh.
lo', gu', go'an, ri', ba'ay, da'ay, baaba'ay, go'aan

Adiga oo isticmaalaya erayadan, ku buuxi meelaha bannaan.
go', lo'da, ba'an, da'ay, go'an

b. …… ceelka gee.
t. Cali …… buu haystaa.
j. Wiilku waa …… yahay.
x. Roob baa …… maanta.
Kh. Xariggu wuu …… yahay.

Hal-xiraaleyaal
U shaqeeya kooxo. Xalliya hal-xiraaleyaashan.
1. Si tartiib ah ayaa aan u socdaa. Waxa aan cunaa jiirka. Maxaa aan ahay?
2. Dad badan ayaa aan u qaadi karaa meelaha ay ka kala yimaadeen. Maxaa aan ahay?
3. Muuslimiinta adduunka ayaa i akhrista. Maxaa aan ahay?
4. Waxa aan dadka ugu yeeraa salaadda. Maxaa aan ahay?

Xarfaha laban-laabma
Erayada jadwalka ku jira ku buuxi meelaha bannaan.


1. Waxa na abuuray ……
2. …… caanaha.
3. Qaado …… dheer.

Erayada jadwalka ku jira ku buuxi meelaha bannaan.


1. Keen …… buug.
2. Ku cun …… nadiif ah.
3. …… waa timid.


* * *

Erayo cuscusub

abuuraa odlar, skapar
ba’aa blir förstörd
baabba'aa försvinner, blir förstörd
ceel -ka brunn, källa
dhaqdaa, dhaqataa föder upp
dhig -ta grenar för att bygga hydda
faa'iido -da nytta
falaa plöjer
fariisiyaa får att sätta sig
filqaha ????????????
gaadiid-ka transport
geeyaa för, leder
guuraa flyttar
habeeyaa ordnar, organiserar, planerar
ho' interjektion som används för att få kameler att resa sig
kiciyaa får att resa sig
lab -ka hane
lama-degaan -ka öken
Maajaa < Maajo + baa
maqal -sha killingar
marid -da att åka
nooc -a sort, typ, slag
rati -ga kamelhane, lastkamel
ka sokow bortsett från, förutom
suuragal -ka möjlighet
suuro -ha möjlighet
tug interjektion som används för att få kameler att lägga sig
waxar -ka/-ta killing
xalliyaa löser

Cutubka 7.5


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.