Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 7.6

Sida uu Xasan ku aado dugsiga


Xasan waa arday dhigta dugsiga Hoose/Dhexe ee Macallin Jamac ee degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Xasan waxa uu deggan yahay degmada Wadajir ee magalaada Muqdisho. Waxa uu la nool yahay aabbihii, hooyadii iyo walaalihiis.

Xasan waxa uu maalin waliba ka toosaa hurdada kow iyo tobanka saac ee aroornimo. Waxa uu ku soo tukadaa masaajidka. Marka uu masaajidka ka soo noqdo ka dib ayaa uu quraacdaa. Dabadeed dharka dugsiga ayaa uu ku lebistaa.


Marka uu guriga ka baxo waxa uu toos u aadaa boosteejada baabuurta ee ku taal degmada Wadajir. Halkaas oo uu ka raaco baabuurta dadweynaha. Muddo soddon daqiiqo ah ka dib ayaa uu tagaa dugsiga.

Marka uu dugsiga gaaro waxa uu ku salaamaa macallimiinta iyo ardayda salaanta Islaamka "Asalaamu Caleykum."


Xasan waxa uu ardayda la istaagaa daabuurka dugsiga si uu u dhegeysto aayadaha Qur'aanka kariimka ah ee lagu furayo barnaamijka iyo waanada maamulaha. Dabadeedna waxa uu dhegeystaa khudbooyin ay macallimiinta iyo arday kale ay soo jeediyaan.

Xasan waxa uu galaa fasalkiisa si uu u dhegeysto casharka macallinku uu bixinayo.

Markii casharku u dhammaado waxa uu ku noqdaa gurigiisa isaga oo raacaya basaska dadweynaha ee u jeeda degmada Wadajir.

Uga jawaab su'aalahan buuggaaga layliga.
1. Dugsigee buu dhigtaa Xasan?
2. Xaafaddee buu deggan yahay Xasan?
3. Maxaa uu raacaa Xasan maalin waliba?
4. Maxaa uu sameeyaa Xasan markii uu dugsiga tago?
5. Maxaa uu ka dhegeystaa Xasan daabuurka dugsiga?

Qor sheeko.
Fiiri sawirkan. Qor sheeko ku saabsan bas aad ku safartay.


Xaggee baad ka heshay baska?
Xaggee baad u socotay?
Maxaa aad aragtay markii aad safraysid?
Ma la kulantay wax aad la yaabtay marka aad safarka ku jirtey?


* * *

Erayo cuscusub

aayad -da koranvers
aroor -ta gryning, morgon
barnaamij -ka program
boosteejo station, busstation
cashar -ka lektion, kapitel
daabuur-ka ?? gårdsplan
dadweyne -ha allmänhet
gaaraa kommer fram
u jeedaa går i riktning mot ngt
soo jeediyaa framlägger, föreslår
khudbo -da föredrag, tal, predikan
muddo -da period, tidsintervall
toos direkt, rakt
waano -da råd, instruktioner

Cutubka 8


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.