Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Cutubka 8

Naqtiin guud

Waa baa waxa jirey laba tuug oo saaxiibbo ahaa. Maalin maalmaha ka mid ah waxa ay go'aansadeen in ay geed fariistaan oo ay fiirsadaan dadka magaalada u socda. Dabadeed labadii tuug waxa ay arkeen nin wada ri' oo magaalada u socda. Isla markiiba waxa ay heleen ra'yi oo ay ku khiyaanaan ninkii rida watey.

Mid ka mid ah labada nin waxa uu iska dhigay nin indha la'. Waxana uu ka codsaday ninkii rida lahaa in uu usha u qabto si uu u hago inta ay ka gaarayaan magaalada. Dabadeed ninkii rida lahaa waa uu ogolaaday codsigii tuuggii iska dhigayey indhoolaha. Laakiin iyaga oo socodkii ku jira ayaa tuugii kale ridii ka xaday intii uu ku mashquulsanaa hagidda tuuggii indhoolaha iska dhigayey.

Erayo
Isku aaddi erayada iyo macnahooda.
dhaqso, iska dhigid, ku raacay, indhool
aan arki karin, yiri haa, deg-deg, wax samayn

Erayo su'aaleed
Qor afar su'aalood ee ku saabsan sheekada. Isticmaal erayo su'aaleedyo sida qofkee, halkee.

Magacyo
Qor weerooyinkan. Hoos ka xarriiq magacyada ku jira.
1. Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya.
2. Tuugadii waxa ay xadeen ridii saboolkii.
3. Xasan Jimce waliba waxa uu aadaa masaajidka.
4. Baqashu waa xayawaan aan caadi ahayn.
5. Soomaalidu waxa ay jeceshay sheekooyinka Juxa.

Guuri jadwalkan.
Ku qor magacyada meesha ku habboon.


Qor waraaq martiqaad ah.
Waxa aad soo booqan doontaa ayeeydaa oo joogta Beledweyne. Ku martiqaad saaxiibkaa in uu ku raaco.

Xiriiriyayaal
Ku buuxi meelaha bannaan ama, iyo, laakiin, mise.

1. Dibiyadu waxa ay leeyihiin geeso …… lo'du ma laha.
2. Gorayadu waa shimbir …… ma duuli karto.
3. Markii uu qabow jiro waxa aan qaadannaa shaati, funaanad …… jaakad.
4. Ma jirran tahay …… hurdo ayaa ku haysa?
5. Waxa aan doonayey in aan ku soo booqdo …… ma ogeyn meesha aad ku nooleyd.
6. Ma soconnaa …… waa nasannaa?
7. Waxa aan jeclahay moos, saytuun …… cambe.
8. Adigu ma qosleysaa …… waad ooyeysaa?

Guuri weerooyinkan.
Ka dooro falka saxa ah.
1. Hooyo waxa ay …… naxariis. (leedahay, leeyihiin)
2. Dadka u sameeya wanaagga dadka kale, waxa (gartaan, garteen) khayrka ku jira.
3. Ridu waxa …… caano. (leeyihiin, leedahay)
4. Shinnidu waxa ay (sameeyaan, samaysaa) malab.
5. Ratigu waxa uu …… biyo. (cabaa, cabbaan)
6. Waxa kugu waajib ah in aad …… shan salaadood maalin waliba. (tukatid, tukatay)
7. …… si toos ah dhaqanka Islaamka. (u raac, raac)

Qor sheeko ku saabsan sawirkan.


* * *

Erayo cuscusub

booqdaa, booqataa besöker
aan caadi ahayn ovanlig
caasimad -da huvudstad, storstad
ka codsadaa ber ngn om ngt
dhaqan -ka kultur, tradition, livsstil
iska dhigaa låtsas vara, spelar, härmar
go'aansadaa bestämmer sig
gorayo -da struts
hagaa leder, för
indha la' blind
indhoole -ha (indhool -ka) blind person
khayr -ka välgång, välstånd
khiyaanaa lurar
martiqaad -ka inbjudan
nastaa, nasataa vilar
sabool -ka fattig person
waajib -ka skyldighet
xadaa stjäl

Sidan är skapad av Morgan Nilsson.