Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Casharka 1aad

Xilliyada

Xilliyada Soomaalidu waa afar.
Waxayna kala yihiin: Jiilaal, Gu', Xagaa iyo Dayr.


Jiilaal (Diisambar-Marso).
Waa xilliga uu dhulku abaarta yahay, dabayshuna ka timaaddo Waqooyi-Bari.


Gu' (Abriil-Juun).
Waa xilliga uu dhulku barwaqada yahay oo roobkuna aad u da'o.


Xagaa (Luuliyo-Agosto).
Waa xilliga dabayshu ay ka timaaddo Koonfur-Galbeed.
Roobkuna waxa uu ka da'aa meelaha xeebaha ah ee gobollada koonfureed.


Dayr (Sibtembar-Noofembar).
Waa xilliga uu meel kastaba ka da'aa roob aan sidaa u badnayn.

Laylis

Weydiino
1. Waa immisa xilliyada Soomaalidu?
2. Xilligee bay dabayshu ka timaaddaa Waqooyi-Bari?
3. Xilligee buu dalku aad u barwaaqaysan yahay?
4. Goorma ayay dabayshu ka timaadaa Koonfur-Galbeed?
5. Sheeg bilaha xilliga Maajo iyo Oktoobar ay ku jiraan?
6. Bilahee buu dalkeennu jiilaal yahay?
7. Xilligee baad ugu jeceshahay?

Ku qor jahooyinka ka maqan.

1. Maxaa jahooyinka lagu gartaa?

2. Nin baa magaalo ka baxay.
Toban mayl markii uu u socday Bari ayuu joogsaday.
Haddana toban mayl oo kale ayuu Galbeed u socday.
Wuu istaagay.
Intee buu magaalada uu ka tegay u jiraa?
Magaaladu xagee bay ka xigtaa?
Haddii uu misana toban mayl oo kale Koonfur u socdo xagee bay immika magaaladu ka xigtaa?
Toban mayl buu haddana Bari u dhaqaaqay, xagee bay magaaladii ka xigtaa?

3. Sawir dariiqii uu maray ninku.

* * *

Translate this lesson into your own language.
Compare your translation to other students' translations.

* * *

Erayo cuscusub

abaar -ta torka
barwaaqo -da välstånd, överflöd
dabayl -sha vind
dariiq -a väg
xilli -ga årstid

Casharka 2aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.