Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Casharka 2aad

Macallinkeen Allaw kaal


Hees

Waa madal hadhweynoo
Ceel maaxanaayoo
Aan madhanaynin weligii

Macallinkeen Allaw kaal.

Maskaxda iyo maankiyo
Waa ka muruqa laylee
Macallinkeen Allaw kaal.

Waa mahiigaanka roobkoo
Dadka oo harraad mutay
maasheeyey dunidee
Macallinkeen Allaw kaal.

Dunidoo madaw oo
Mugdiyo cabsi leh oo
Mici ku dhiigliyo
mas dilaa ay joogaan
waa ka marinka nuuree
Minan Janno Allaw gee.
Mira Janno Allaw sii.
Macallinkeen Allaw kaal.

Laylis

Erayadan macnahooda sheeg.
Madal, maax, kaal, mahiigaan, maansheeyey, mugdi, minan.

Weydiinahan weedho u beddel.
Sida: Geeddi miyuu magaaladii qabtay? → Geeddi magaaladii buu qabtay.

1. Dugsiga miyaa la xiraa?
2. Quraacdii miyaad soo cuntay?
3. Ma berri bay dayuuraddu imanaysaa?
4. Walaalkaa si fiican wax ma u bartaa?
5. Shalay ma roob baa da'ay?

* * *

Erayo cuscusub


Casharka 3aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.