Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Casharka 3aad

Lahaansho ahaansho

Waxa aan ahay arday ku jira Dugsiga Hoose ee Macallin Jaamac. Aabbahay waa bare. Hooyadayna waa dhakhtarad.

Waxa aan leeyahay saaxiibbo badan oo aannu dugsiga ku wada jirro. Waxa aannu wada leenahay kutubta dugsiga aannu ku dhiganno iyo kubbad aannu ku wada dheello.

Gooni ahaan waxa aan u leeyahay buugagga wax lagu qoro iyo qalimada. Waxa kale oo aan leeyahay dharka dugsiga u gaarka ah.

Aniga, saaxiibbaday iyo ardayda kale ee dugsigayagu waxa aannu leenahay barayaal iyo Maamule fiican. Barayaashaasu waxa ay leeyihiin aqoon sare iyo naxariis badan, ardayduna way wada jecel yihiin.

Laylis

Buuxi meelaha madhan.
1. Waxa aan ahay arday.
2. Waxa uu .....
3. Waxa ay .....
4. Waxa aannu .....
5. Waxa aynu .....
6. Waxa aad .....

Buuxi meelaha bannaan.
1. Waxa aan leeyahay kubbad.
2. Waxa uu .....
3. Waxa ay .....
4. Waxa ay .....
5. Waxa aynu .....
6. Waxa aad .....
7. Waxa aannu .....

War celintan dhammaystir adiga oo raacinaya magac u yaallada ku hor qoran.

Tusaale:
Buuggan yaa leh?
Aniga: Waa kaygii.
Adiga: .....
Isaga: .....
Iyaga: .....
Idinka: .....
Annaga: .....
Iyaga: .....
Innaga: .....

Diidmo u beddel weedhahan.

Tusaale:
Cali waa bare.
Cali ma aha bare.

1. Laba shaar baan leeyahay.
2. Guri weyn bay leeyihiin.
3. Gabartani waa fariid.
4. Wiilashu waa arday.
5. Dal ballaaran baannu leenahay.

* * *

Erayo cuscusub

dheelaa spelar
diidmo -da negerad form
fariid -ka bra person
gooni -da separat, enskild, ensam -het
shaar -ka (=shaadh, shaati) skjorta
war celiyaa svarar

Casharka 4aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.