Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Casharka 6aad

Shalay, maanta, berri

Anigu shalay carruur baan ahaa. Socodka ayaa la i bari jirey. Waa laa ii qubayn jirey, sariirtana waa la i seexin jirey.

Walaashayna carruur bay ahayd. Socodkaa la bari jirey. Waa loo qubeyn jirey, sariirtana waa la seexin jirey. Anigu hadda waan koray lugahaygaanan ku socdaa. Keligey baan qubeystaa oo sariirta seexdaa. Walaashayna hadda way kortay lugaheeda ayay ku socotaa. Keligeed bay qubaysataa oo sariirta seexataa. Anigu berri waan weynaan doonaa. Aqoon badan ayaan yeelan doonaa. Dalkayga iyo dadkayga ayaan u adeegi doonaa. Walaashayna way weynaan doontaa. Dalkeeda iyo dadkeeda ayay u adeegi doontaa.

Laylis

Meelahan bannaan buuxi.
1. Markii aan carruurta ahaa .....
2. Shalay buu aabbahay .....
3. Aniga hadda .....
4. Walaashay markii ay weynaato .....
5. Isagu maalin walba .....
6. Annagu marka aannu carruurta ahayn .....
7. Innagu marka aynu dugsiga dhammayanno .....
8. Maalin walba idinku .....
9. Dhulkayga waan u .....

Erayadan weedho soo geli.
shalay, aqoon, garaad, adeeg, qubayn, koray

* * *

Erayo cuscusub

adeegaa tjänar
garaad -ka förstånd, intelligens
yeeshaa, yeelataa får, skaffar

Casharka 7aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.