Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Casharka 7aad

Jilayaal

Kooxda kowaad: Waxaannu nahay jilayaal.
Kooxda labaad: Annaguna waxaannu nahay jilayaal.
Kooxdii kowaad: Sidee weeye jiliddiinu?
Kooxdii labaad: Sidan weeye jiliddayadu: waxaan jillaa hoggaamiyaal. Dadkan hagnaa, hoggaaminnaa, hanuuninnaa. Sidaa waan ku ammaanannahay.
Kooxdii kowaad: Annaguna waxaan nahay beeraly: beerahaan falnaa, badarka, cambaha iyo muuskaannu soo saarnaa, sidaana waan ku ammaanannahay.
Kooxdii labaad: Annaguna waxaannu nahay shaqaale. Shaqooyin kala duduwan baan qabannaa noloshaan qurxinnaa, sidaana waan ku ammaanannahay.
Kooxdii kowaad: Annaguna waxaannu nahay qorayaal. Buugaggaan qornaa. Afka hooyaannu ku qornaa, sidaana waan ku ammaanannahay.
Kooxdii labaad: Annagu waxaannu nahay raacato. Xoolahaan dhaqaalayn naqaan. Sidaana waan ku ammaanannahay.
Kooxdii kowaad: Annagu waxaannu nahay jilayaal, waxaan jillaa: hoggaamiyaal, shaqaale, arday, raacato. Sidaana waan ku ammaanannahay.
Kooxdii labaad: Annagu waxaannu nahay jilayaal, waxaan jillaa: beeralay, barayaal, qorayaal, dhakhtarro. Sidaana waan ku ammaanannahay.

Laylis

Ardaydu casharkan riwaayad ha ka sameeyeen. Laba kooxoodba mar ha tagaan fasalka hortiisa, dabadeedba ha jilaan waxa casharka ku yaal, inta kalena ha dhegeysato oo ha daawato.

* * *

Erayo cuscusub

ammaanaa berömer
dhaqaaleeyaa sköter, föder upp
hagaa leder, visar vägen
hanuuniyaa vägleder, ger råd
hoggaamiyaa leder, går i spetsen
hoggaamiye -ha ledare
jilaa spelar (teater)
jile -ha skådespelare
jilid -da spelande
qurxiyaa gör vackrare
raacato -da koll. herdar som lever som nomader tillsammans med djuren
riwaayad -da drama, föreställning, skådespel

Casharka 8aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.