Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Casharka 8aad

Shinni iyo duqsi

Duqsi baa duulay, neef bakhtiyey buu ku dul fariistay.

Shinni baa duushay, ubax bay ku dul fariisatay. Labadoodii bay sheeko dhex martay:

Duqsigii: Agtayda ka tag, waan ku necebahaye.

Shinnidii: Anigu bakhtiga aad cunaysid uma soo socdo, waxa igu filan ubaxan quruxda badan ee aan fuushanahay.

Duqsigii: Waa run in aad wax xun tahay, maxaa yeelay miciyo halis ah baad leedahay, haddana dadka kuma qaniintid. Waliba waxa jirta in aad dadka saaxiib la tahay.

Shinnidii: Waxa jira in aan dadka marmar qaniino: waase marka ay i dhibaan ee ay i soo gardarraystaan. Hase yeeshee waxa aan sameeyaa malabka macaan ee uu dadku aad u jecel yahay.

Duqsigii: Adigu malabka ayaad u samaysaa. Iyaguna abaal la'aan bay kaaga gurtaan. Aniguse haddii aan karaayo naftaan ka wada qaadi lahaa dadka oo idil.

Shinnidii: Miyaanay kugu fillayn dhibaatooyinka aad dadka u geysatid? Habeen iyo maalin waxa aad lugaha iyo baalalka ku siddaa wisikh, markaasaad ku fariisataa caanaha la dhamo, hilibka iyo rootiga la cuno. Waxa aad tahay cadawga ugu weyn ee dadku leeyahay. In ay iska kaa ilaaliyaana way wanaagsantahay anigana waxa igu habboon in aan kaa fogaado oo aan ka tago urtaada iyo wisikhdaada.

Laylis

Weydiino
1. Xaggee bay shinnidu iyo duqsigu ay kala joogeen?
2. Muxuu duqsigu shinnida ku yiri?
3. Maxay shinnidu dadka u sameysaa?
4. Adigu waligaa malab ma cuntay?
5. Wax ka sheeg dhibaatooyinka uu duqsigu dadka u geysto?

Meela bannaan buuxi.
1. Malabka waxa ..... shinnida.
2. Duqsigu waxa uu lugaha ku soo qaadaa .....
3. Duqsigu waxa uu ku fariistaa ..... aynu cunno.
4. Duqsigu ..... dadkuu wax yeelaa.
5. Duqsigu ..... jecel yahay.

* * *

Erayo cuscusub

bakhti -ga kadaver
bakhtiyaa dör
dhex maraa försiggår mellan, utspelar sig mellan
dhibaa besvärar, stör
ku filan tillräcklig för ngn
gardarraystaa provocerar
gurtaa samlar åt sig själv
halis -ta fara
halis ah farlig
maxaa yeelay eftersom
mici -ga gadd
neceb illa omtyckt, hatad
neef -ka husdjur
qaniinaa sticker
ur -ta lukt
wisikh -da smuts

Casharka 9aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.