Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Casharka 9aad

Laylis

1. Fiiri Kaalandarka kor ku yaal dabadeedna ka jawaab weyddiinahan.
b) Immisa Axadood ayaa ku jira Oktoobar 1974?
t) Immisa Sabti ayaa ku jira?
j) Immisa Talaada ayaa ku jira?
x) Axaddii labaad ee bisha Oktoobar immisa ayey ahayd taariikhdu?
kh) Taarikhdu immisa ayey ahayd Khamiistii ugu dambaysey?
2. Fiiri Talaadadii ugu horreysey Oktoobar dabadeedna fiiri maalinta ka horreysa.
Isniin bay ahayd.
Taariikhduna waxa ay ahayd .....?
Isniintaasi bishee bay ku jirtaa?
3. Bisha Oktoobar ku xigtaa waa Noofambar.
Fiiri kaalandarka oo waxa add soo saartaa maalinta ugu horraysa Noofambar.
4. Maalintee baa ku xigray 17ka Oktoobar?
5. Immisa maalmood baa ku jirey bisha Oktoobar?
6. Oktoobar 21keedu waa maalin weyn maxaa dhacay?
7. Maalin kale oo Oktoobar ku jirta oo xasuus leh ma taqaan?

Weedhahan waxaad u beddeshaa shalay.
Tusaale: Berri waxa aan beddeli doonaa dharkan aan xiranahay. → Shalay waxa aan beddelay dharkii aan xirraa.
1. Berri waxa aan tegi doonaa dugsiga. →
2. Imminka waan shaqaynayaa. →
3. Berri buug cusub baan soo iibsan doonaa. →
4. Berri waxa uu iska beddeli doonaa dharka. →
5. Imminka waxa ay u qaybinaysaa lacagteedii laba meelood. →
6. Imminka waa inaan wax ka qoraa casharkan. →
7. Berri waxa aan raaci doonaa saaxiibkay. →

Magacyada weedhahan ku jira jamac ka dhig.
Tusaale: Nin weyn baan la saaxiibay. → Niman waaweyn baan la saaxiibay.
1. Miis yar baan haystaa. →
2. Qalin dheer buu i siiyey. →
3. Gabar qurux badan buu dhalay. →
4. Wan shilis buu gaqracay. →
5. Shaar cad buu leeyahay. →

Soo geli weedhahan erayga «la» ama «la'».
Tusaale: Waa afartii oo shan ..... → Waa afartii oo shan la'.
Shimbir baal ..... baan arkay. → Shimbir baal la' baan arkay.
Cashar cusub baa ... dhigay. → Cashar cusub baa la dhigay.
1. Saacadu waa lixdii oo toban ..... →
2. Cali waa wiil indha ..... →
3. Cashar cusub baa ..... dhigay. →
4. Nin baa ... siiyey billad sharaf. →
5. Neef dhego ..... ayaan iibsadey. →
6. Ilmo gacan ..... ayey dhashay. →
7. Wuxuu shaqo tagaa lixda oo shan ..... →
8. Shalay libaax baa ..... dilay. →
9. Oday ilka ..... ayaa soo galay dugsiga. →
10. Saaxiibkay baan ..... qaadeynayaa. →

Soo geli weedhahan "i" ama "ii"
Tusaale: ..... sii Buugga Xisaabta. → I sii Buugga Xisaabta.
Buug ..... sii abaal gud. → Buug ii sii abaal gud.
1. Waxa uu ..... siiyey shaar cusub. →
2. Ilmihii bay ..... siisay caano. →
3. Waxa uu ..... yimid afartii iyo badhkii. →
4. Waxa ay ..... keentay kabo yaryar. →
5. Laba go' buu ..... siiyey abaal gud. →
6. Barahaa ..... yiri fasalka ha ku qaylin. →
7. Waxa uu ..... sheegay in aan wanaagsanahay. →
8. Shaqo ayuu ..... siiyey. →
9. Aniga oo hurda ayuu ..... yeeray. →
10. Isaga oo caroonaya ayuu ..... salaamay. →

* * *

Erayo cuscusub

billad -da medalj
sharaf -ka ära, heder
xiran påklädd

Casharka 10aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.