Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 3aad • Casharka 10aad

Xiritaanka dugsiga

Sannadkii waxbarashada ayaa dhammaaday. Dugsigii baa la xirayaa, fasaxiina wuu bilaabmayaa. Saaka waxa dugsiga jooga ardaydii, barayaashii iyo dad kale oo fara badan oo debedda ka yimid. Dadka debeda ka yimid waxa ay ka kooban yihiin waalidka ardayda, duqeyda magaalada iyo dadweyne kale.

Barayaashu imtixaankii way soo saareen. Arday waliba halkii uu galayna waa loo sheegayaa. Waxa abaalgud la siin doonaa arday badan: kuwii imtixaanka ugu fiicnaa, kuwii nadaafada badnaa iyo kuwii ugu dadaalka iyo shaqada badnaa.

Marka sheegsheegidda imtixaanka iyo abaal gud bixinta la dhammeeyo ardaydu way kala tegi doonaan. Mid waliba gurigoodii ayuu qabanayaa fasax baano gelayaa. Kii imtixaankii gudbey ee meel fiican galay isaga oo faraxsan ayuu reerkooda u tegayaa; hooyadii iyo aabbihiina way ku farxayaan. Kii gudbi waayana isaga oo murugeysan ayuu reerkooda u tegayaa; hooyadii iyo aabbihiina way ka naxayaan.

Laylis

1. Maxaa dugsiga loo xirayaa?
2. Dadka dugsiga soo booqday maxay k[u fiiri]yeen?
3. Ardayda kuwee baa abaal gud la siinayaa?
4. Waligaa abaal gud ma qaadatay?
5. Ardayga imitxaanka gudbi waaya waalidkiisu sidee buu noqdaa?

Dhammaystir weedhahan hoos ku qoran.
1. Xasan waxa uu reerkoodii tegey isaga oo .....
2. Caashi saaka waxa ay dugsiga timid iyada oo .....
3. Waxa aynu magaalada tegi doonnaa innaga oo .....
4. Cuntada ha cunin adiga oo aan .....
5. Maxamed baan arkay isaga oo .....

Weedhahan hoos ku yaal weydiino u samee.
Tusaale: Dugsiga waxa la furaa siddeedda saacadood ee aroornimo.
→ Goormaa dugsiga la furaa?
1. Xirsi shalay buu Hargeysa yimid.
2. Inantu imtixaanka way gudbi doontaa.
3. Cuntada bariiska ayaan ugu jeclahay.
4. Bisaddu jiirka way cuntaa.
5. Xasan waa la neceb yahay.
6. Walaashay laba sannadood baan ka weynahay.
7. Anigu waan caafimaad qabaa.
8. Libaaxu dameerka ayuu le'eg yahay.
9. Maxamed kubbadda si wanaagsan buu saaka u ciyaaray.
10. Maroodigu libaaxa wuu ka weynahay.

* * *

Erayo cuscusub

debed -da utsida, utland
fara badan väldigt mycket
ku farxaa glädjer sig åt ngt
fasax -a lov, ledighet
gudbaa passerar
le'eg lika stor, likadan, samma
murugaysan ledsen, sorgsen
nadaafo renhet, renlighet
naxaa blir rädd, blir ledsen
saaka i dag på morgonen, förmiddagen
soo saaraa gör i ordning, publicerar, offentliggör

Casharka 11aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.