Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 1aad

Dayaxii iyo balligii

Inta aadan akhrin ka hor
Fiiri sawirrada ku yaal bogagga 1-3.
Maxaa aad u malaynaysaa in ay sheekadu ku saabsan tahay?

Hadda akhri sheekada fiirina haddii fikraddaadu ay sax ahayd.

Beri beryaha ka mid ah ayaa nin socoto ihi safar u baxay. Galab ayuu yimid tuulo.

Duleedka tuulada waxa ku yaallay balli, waxaana ku wareegsanaa dad aad u badan.

Dadka tuuladu waxa ay gacmaha ku haysteen xaaqimo, shabaqyo iyo ulo. Waxa ayna ku dhawaanayeen balliga. Waxa ay lahaayeen "Na caawi!" Waxa ayna isku dayayeen in ay wax kala soo baxaan.

"Maxaa dhacay?" ayaa uu weydiiyey ninkii socotada ahaa.

"Dayaxii! Waxaa uu ku dhacay balliga waanna ka soo saari kari weyney." Waxa ku jawaabay dadkii masaakiinta ahaa ee tuulada degganaa.

"Maxaa!" ayaa uu yiri ninkii socotada ahaa. "Fiiri cirka. Waa kaa dayaxii. Weli halkiisii buu joogaa."

Dadkii tuuladu ma ay dhegeysan ninkii waxa uu u sheegay. Waxa ay ku yiraahdeen, "Iska tag oo jidkaaga mar."

Ka jawaab su'aalahan.
1. Maxaa ay dadku isku dayeen in ay sameeyaan?
2. Maxaa ay ugu maleeyeen in dayaxu ku jiro balliga?
3. Kee caqli badan ayaad u malaynaysaa - ninka safarka ahaa ama dadkii tuulada? Sheeg sababta.

Astaamaha hadalka.

Fiiri weerooyinkan ka yimid sheekada.

"Maxaa dhacay?" ninkii ayaa su'aalay iyaga.

"Dayaxii waxa uu ku dhacay balliga waanna ka saari kari weyney." Waxaa yiri dadkii tuulada.

Waxa aan isticmaalnaa astaamaha hadalka sida hakadyada in ay na tusaan erayada ay dadku yiraahdeen.

Geli astaamaha hadalka weerooyinkan.
1. Xaggee ka timid? waxa weydiiyey dadkii tuulada.
2. Waxa aan ka imid meel fog waxa ku jawaabey ninkii dal-maraha ahaa.
3. Fadlan na caawi si aan u badbaadinno bisha waxaa ku yiri carruurtii mid ka mid ah.
4. Bishu kuma jirto balliga waxa yiri dal-marihii.
5. Aaway iyadu? waxa su'aalay nimankii mid ka mid ah.
6. Waxa ay ku taal cirka waxa ku jawaabay dal-marihii.

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaankan farbarashada.

Qor sheeko.

Ka soo qaad in aad tahay dal-marihii sheekada.

* Maxaa tahay?
Ma waxa aad tahay farriin wade, ganacsade, tuug ...?

* Xaggee baad ka timid?

* Maxaa aad uga tagtay meeshaas?
Qoyskaagii maxaa ku dhacay?
Ma samaysay wax xun?

* Sidee baad ku safraysaa?
faras, lug ...

* Xaggee baad u socotaa?

Sheeg sheekadaada iyo sida aad ku timid tuulada.

* * *

Erayo cuscusub

aaway? var är? (med fem. subjekt)
astaan -ta hadalka, pl. astaamo -ha citationstecken
badbaadiyaa räddar, skyddar
balli -ga damm
wax kala soo baxaa tar upp något ur … med ...
dal-mare -ha resenär, upptäcksresande
isku dayaa försöker
dayax -a måne
dhowaadaa, -aataa närmar sig
duleed -ka sida, utsida; [prep] utanför, i utkanten av
farriin-wade -ha budbärare
galab -ka sen eftermiddag, tidig kväll
ganacsade -ha köpman
hakad -ka kommatecken
hannaan -ka form
lahaayeen 1. de hade, ägde; 2. de sade
maraa passerar, går igenom, förbi
jidkaaga mar far vidare (eg. passera längs din väg)
masaakiin -ta koll. fattiga
ka soo qaadaa föreställer sig
ka soo saaraa lyfter ut ngt ur ngt, lyfter upp
shabaq -a nät
tuulo -da by, ort
waanna < waa + aan + na och jag/vi
ku wareegsan omgiven av

Cutubka 2aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.